Fanaanka Weyn Ee Fu’aad Cumar Oo Booqasho Ku Yimid Boorama

Boorame (Somaliland.Org)-Waxa magaalada Boorama kusugan oo soo booqday markii ugu horaysay Fanaanka Wayn ee reer Somaliland Fu’aad Cumar oo ay dad badan oo reer Boorama ah si wayn u jecel yihiin fankiisa.

Fanaanka ayaa markii uu soo gaadhay Boorama waxa si wayn u soo dhaweeyay Masuuliyiinta D/Hoose ee Boorama oo ay weheliyaan xildhibaanada Golaha Degaanka ee Boorama iyo dadwayne aad u badan oo xiiso gaar ah u qabay inay arkaan Fanaankan reer Somaliland oo ay inta badan ka arkaan Television-nada.

Madaxda Magaalada Boorama ayaa fanaanka ku soo dhaweeyay Boorama waxana ay u sheegeen in booqashadiisani ay u tahay sharaf gaar ah Magaalada, waxana ay si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyeen Boorama oo ay tilmaameen inay tahay Hoyadii Fanka iyo meeshii ay balwadu ka soo bilaabatay.

Fanaan Fu’aad Cumar oo ka hadlay ujeedada Safarkiisan Boorama ayaa ku micneeyay mid ku lamaan jacaylka uu uqabo dalkiisa iyo iyo degaanadiisa kala duwan waxana uu yidhi “ Boorama waa meel aan jecelahay, waxbadana ku hamiyi jiray inaan soo arko, waa magaalo taariikhi ah oo fankayga wax badan ka dhex muuqata sidaadi aawadeed waa ii sharaf inaan soo arko oo aan ku nagaado naacawdeeda udgoon, waxa ii qorshaysan inaan soo arko J/Camuud iyo hoyga aqoonta Somaliland iyo goobaha taariikhiga ah ee Boorama, waa safar aan mudo qorshaynayay, waxa aan ka qaadan doonaa muuqaalo badan oo aad ii nafaci doona, waxana dabcan aan u gacan haadin doonaa taageerayaasha fanka iyo kuwa fankayga sida gaarka ah u xiiseeya”.

Intii uu magaalada Boorama ku suganaa ayaa waxa uu soo booqday Fanaanku Jaamacada Camuud oo uu soo arkay himilooyinka iyo hiigsiga dhinaca cilmiga ah ee ka hano qaaday, waxana halkaasi ku soo dhaweeyay Gudoomiye ku xigeenka J/Camuud Prof. Axmed Cabilaahi Boqore, kuna tilmaamay booqashadaa fanaankan mid ay jaamacada Camuud si gaar ah u mahadinayso.

Prof. Boqore oo arimahan ka hadlayay ayaa waxa uu yidhi “ Waa noo farxad ku soo dhawoow Boorama iyo Jaamacadda Camuud, waa hubaal in xidhiidh ka dhexeeyo bahda fanka iyo aqoonta, waxa aan hubaa in aad Boorama ka heli doonto, waayo dadka ku nool Boorama waa kuwo si gaar ah fanka ugu abtirsada, waxana ay ku taariikhaysan yihiin halhayskii ahaa “ USTAADKII A’DA KEENAY BAAN AHAY”.

Sidoo kale waxa uu fanaanku soo maray dugsiga Sare ee Al-aqsa oo uu kula kulmay arday aad u badan oo ku dhexjirta waxbarashada, waxana uu si gaar ah uga qayb qaatay casharada halkaasi ka socday oo uu ardayda la fadhiistay fasalada.

Waxana xusid mudan in intii uu dugsigan joogay ay ardaydu si diiran u soo dhawaysay iyaga oo ku luuqaynayay heesihiisa gaarka ah.

Si kastaba ha ahaatee Fanaan Fu’aad oo cabirayay dareenkiisa hal maalin kadib markii uu Boorama ku sugnaa ayaa waxa uu yidhi “ Boqol-kiiba-Boqol, waan filayay sidan, waan hubay inay Boorama tahay meel soo dhawayn mudan, hawo macaan, muuqaal qurxoon, dadkeeduna ay yihiin dad xadaarad ku abtirsada, waan u ducaynayaa Aabihii Fanka iyo Ustaadkii Cabdi-sinimoo iyo bahdii kale ee Boorama fanka ka hindistay, Booramana waa meel aanan marar badan oo dambe ku soo laalaaban doono.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.Org/Boorame