Shirkadda JUBA Express Oo Xarunta Dhexe Ka furatay Hargeysa Iyo Khudbadihii Masuuliyiintii ka qeyb galay

Hargaysa (Somaliland.Org)Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay xafiiska dhexe ee shirkada xawaalada lacagaha Jubba Express ayaa maanta lagu qabtay huteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Xafladaasi ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada Somaliland oo uu ka mid ahaa wasiirka wasaarada Ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed, maamulka iyo masuuliyiinta ssare ee shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba express, siyaasiyiin ka tirsan xisbiyada KULMIYE, UCID iyo WADDANI, xildhibaano ka tirsan goleyaasha wakiilada iyo guurtida, salaadiin, cuqaal, madaxdhaqameed, ganacsato, haween, dhalinyaro iyo dad wayne kale oo aad u tiro badan.

Wasiirka wasaaradda ganacsiga Somaliland Md C/rasaaq Khaliif Axmed oo hadal ka jeediyay xafladaasi loo sameeyay furitaanka xarunta dhexe ee shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba Express ayaa ugu hambalyeeyay masuuliyiinta shirkada Jubba Exprees horumarka iyo maalgashiga cusub ee ay masuuliyiinta shirkadani ku soo kordhiyeen dalka, waxaanu sheegay in loo baahan yahay cid kasta oo dalka wax ku soo kordhisa in loo mahad naqo laguna hambalyeeyo.

Waxaanu yidhi “marka u horaysa aan hambalyeeyo una mahad naqo soona dhaweeyo una duceeyo madaxda iyo mulkiileyaasha shirkada xawaalada lacagaha ee Jubba Express aad iyo aad ayaanan ugu mahad naqayaa horumarka iyo maalgashiga ay sameeyeen ee ay dalka ku soo kordhiyeen, runtii waxaan qabaa qof kasta oo wax wanaagsan keena in abaal gudkiisu yahay in loo mahad naqo, qofku haddii uu horumar sameeyo wuxuu isna mudan yahay oo uu jecel yahay in la garab is-taago oo la dhiiri geliyo oo lagu hambalyeeyo waxa uu qabtay”.

Md C/rasaaq Khaliif waxa uu sheegay oo kale in mar kasta oo ay soo kordhaan shirkadaha kala duwan eek a shaqeeya adeegyada arrimaha bulshada in ay taasi soo kordhiso tartanka iyo tayada shirkadaha isla markaana shirkada Jubba ee ay soo kordhinayso adeegyada ay bulshada u fidiyaan “markasta oo ay soo kordhaan shirkadaha noocan ah ee adeega ka shaqeeya ama uu tartanku soo kordho waxay soo kordhisaa tayada oo korodha, xawaaladan soo korodhay ee Jubba Express waxay qayb ka noqonaysaa in ay dhiiri geliso in adeegii iyo adeegyadii hufnaa iyo tayadii ay shirkaduhu bixinayeen ay sii kordhaan, iyaduna ay ku dadaasho sidii ay ku gaadhi lahayd kuwii ka horeeyay, waa horumar soo kordhay waxyaalo badan ayayna soo kordhinaysaa oo waad ahqaale dalka ku soo kordhay, dhaqaalahaa soo kordhayna shaqo abuur ayuu samaynayaa, dakhli ayuuna samaynayaa, waxa uu ka qayb qaadanayaa horumarka iyo samafalka” ayuu yidhi wasiirka ganacsigu.

Guddoomiyaha shirkadda xawaalada lacagaha ee Jubba express Md C/salaam Xasan Giir oo isna hadalk ka jeediyay xaflada lagu furayay xarunat dhexe ee shirkada Jubba ayaa ka waramay u jeedada ay u sameeyeen xafladan iyo sidoo kale mudadii ay shirkada Jubba Express shaqaynaysay iyo meelihii ay ka bilawday shaqada tayada, waxaanu yidhi “maadaama shirkadu in muddo ah ka shaqaynaysay Somaliland waxaanu munaasibadan u qabanay in aanu war bixin kooban ka bixino shirkadan, meelaha ay ka shaqayso si shacabka reer Somaliland ay wax uga ogaadaan, adeegyada arrimaha bulshada ku waajahan ee ay shirkadani samayso, xidhiidhka ay la leedahay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland iyos idoo kale aaaragtida shirkada iyo waxyaabaha ay hiigsanayso mustaqbalka”.

Md C/salaam Xasan Giir waxa kale oo uu faah-faahin ka bixiyay wakhtigii la aas aasay shirkada Jubba Express iyo sidoo kale meelihii u horeeyay ee ay shaqada ka bilawday.

Isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “shirkada Jubba express waxaa la aas aasay oo ay shaqadeedii u horaysay bilawday sanadkii 2010-kii, waxaanay ka bilawday magaalada Jubba ee koonfurta Suudaan, halkaasi oo au muddo ka shaqaynaysay, iyada oo markii danbena ku fiday wadamada afrika iyo carabtaba, shirkadan jubba express waxa waxay liisan keedii u horeeyay ee ganacsiga ka qaadatay dalka Somaliland sanadkii 2010-kii halkaasi oo ay laba xafiis ka furatay magaalooyinka Hargaysa iyo Burco, hase yeeshee xafiisyadaasi may sii shaqaynin, shirkadu waxay xafiisyadeeda ku balaadhisay daafaha aduunka oo dhan aakhirkii sanadkii 2010-kii, waxaanay mar labaad xafiisyadeedii u horeeyay ka furatay Somaliland sanadkii 2011-kii bishii shanaad, iyada oo kii u horeeyayna aanu ka furnay magaalada Hargaysa, kii labaadna burco, anaga oo markii danbena dhamaanba magaalooyinka iyo tuulooyinka kale ee dalka oo dhan aanu ka furnay xarumo iyo xafiisyo”.

Guddoomiyaha shirkada xawaalda lacagaha ee Jubba Express waxa kale oo uu ka waramay meelihii ay waxyaabaha tabarucaadka ah kaga qayb qaadatay shirkadu iyo waxyaabaha u qorshaysan in ay mustaqbalka wax ka qabtaan.

“saddex bilood ka hor waxaanu tagnay xarunta agoomaha ee Hargaysa oo caawinay, dhakhtarka Hargaysa ayaanu isna tagnay ajandahayaga ayaanay ku jirtaa in aanu wax ka qabano oo aanu caawino, wadada Wajaale iyadna waxaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano waanan balan qaadnay, waxyaabaha noo qorshaysan in aanu wax ka qabano wax aka mid ah arrimaha dhalin yarada gaar ahaana ciyaaraha waxaanu doonaynaa in aanu wax ka qabano, wadooyinka magaalooyinka dalkana in aanu ka qayb qaadano, aragtidayada soo socota waxaanu doonaynaa in aanu kordhino adeegyada lac dirida iyo in aanu furno baanan, in aanu wax ka qabano wadanka ayaanu ku talo jirnaa ee uma joogno oo keliya in aanu ka shaqaysano” ayuu yidhi Md Giir.

Axmed Macalin Maxamuud
Somaliland.Org/Hargeysa