Sarkaalkii Labaad ee Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ku dhawaaqay Inuu u sharaxan yahay Hoggaanka KULMIYE

“Waxaan ka faa’iidaysanayaa Jaaniska maadaama Guddoomiye Ku xigeenkii koowaad u sharaxan yahay Gudoomiye”

Hargeysa (Somaliland.Org)- “Anigu guddoomiye uma taagni musharax guddoomiye ku xigeen 1-aad ayaan ahay, damacani wakhti dheer ayuu igu jiray haddana ma jeclayn meel Maxamed Kaahin fadhiyo inaan u tartamo, markii uu guddoomiye ku xigeenka imanayeyna waxaan ka mid ahaa ragii ololaha u galay ee rag badan doonayey ganafka ku dhuftay ayaan ka mid ahaa,”ayuu ku tiraabay Agaasimaha Maamulka Komishanka xakamaynta HIV/AIDS C/Kariim Axmed Maxamed (Xinif) oo maanta shaaca ka qaaday inuu tartamayo jagadda Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee KULMIYE.

C/Kariim Xinif waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa;id oo uu ku qabtay xafiiskiisa, waxaanu yidhi “Waxaan ahay xubin ka mid ah guddida golaha dhexe ee xisbiga, wax kale idinkuma yeedhin hankayga ama damacayga siyaasadeed oo ah inaan u taaganahay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye, maadaama guddoomiye ku xigeenkii 1-aad ee xisbigu cadeeyey in uu u taagan yahay, musharax guddoomiye iyo musharax madaxweyne,”ayuu yidhi Agaasimaha Maamulka Komishanka AIDS-ku.

C/Kariim Xinif oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Jaanisku mar buu soo maraa, jaanis isoo maray oo wakhtigiisii taagan ayaan u arkaa, markaa waxaan doonayaa inaan cadeeyo inaan musharax u ahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xisbiga, kaasi oo aan rajaynayo ergooyinka shirweynaha xisbiga imanayaa igu taageeraan”.

Mr. Xinif waa sarkaalkii labaad ee ka tirsan xukuumadda ee shaaca ka qaada inuu u tartamayo Hoggaanka xisbiga talladda haya marka la gaadho shirweynihiisa oo lagu waday inuu qabsoomo bisha March ee fooda inagu soo haysa, hase yeeshee ay soo baxayaan warar sheegaya in dib loo dhigayo shirweynaha.

Wasiirka Maaliyadda Md. C/Casiis Maxamed Samaalle ayaa isaguna hore u shaaciyay inuu u taagan yahay mansabka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@ho