Maareeyaha Cusub ee Xafiiska Mucaawimooyinka WFP u qaabilsan Xukuumadda Oo Xilkii La wareegay

Hargeysa(Somaliland.Org)-Maareeyaha cusub ee Xafiiska Mucaawimooyinka WFP ee Xukuumadda Somaliland Yuusuf Cismaan Garas,, ayaa maanta xilkii kala wareegay Maareeyihii hore ee Xafiiskaasi.

Munaasibad lagu qabtay Xafiiska Hay’adaasi, ayay labada masuul xilka kula kala wareegeen, taasoo ay ka soo qayb-galeen Agaasimaha Guud ee wasaaradda dib u dejinta, madaxda iyo Shaqaalaha Xafiiskaasi iyo xubno wax-garad iyo masuuliyiin isugu jiraa.
Maareeyihii hore ee Xafiiska WFP Maxamed Daahir Axmed oo ugu horayn munaasibadaasi ka hadlay ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay, waxaanu sheegay inay isaga iyo shaqaalihiisu xooga saareen hir-gelinta nidaamka shaqo ee xafiiskaasi u furanyahay, isla markaana ay Mashaariic fara badan oo ku saabsan mucaawimooyinka dhinaca Raashinka ah u meelmariyeen deegaamo badan oo ay ka jireen Baahiyo in laga taakuleeyo u baahan, sida goobaha waxbarashada, Xanaanooyinka iyo goobaha kale ee muhiimka ah.

Maareeyaha cusub ee Xafiiska la wareegay Yuusuf Cismaan Garas oo isaguna Xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsanyahay hawsha fiican iyo shaqada uu kala wareegay Maareeyihii hore , waxaanu balan qaaday inuu halkaasi ka sii wadi doono adeegyada xafiiskani bulshada u qabto oo ah maareynta Mucaawimooyinka Hay’adaha Caalamiga ah, gaar ahaana Hay’ada WFP “Xafiiskan waxa uu la curtay Xukuumadda xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo, waxaanay shaqadiisu tahay sida la tilmaamay maareynta Mucaawimooyinka Raashinka, gaar ahaana Hay’ada WFP oo ah Hay’ad UN ah oo mucaawimooyin badan ka fulisay Somaliland, gaar ahaan Goobaha waxbarashada iyo Caafimaadka”ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray “hadaba waxaan balan qaadaynaa inaan aniga iyo shaqaalaha xafiisku annagoo iskaashanayna aanu mucaawimooyinkaasi iyo ujeedada xafiiskani u dhisanyahay gaadhsiin doono dadkii loogu talo galay, waxaana ku dedaali doonaa sidii aan hawsha halkan uga sii wadi lahaa ee aaan u sii horumarin lahaa”ayuu yidhi.

Yuusuf Cismaan Garas,w axa uu sidoo kale u mahad naqay Shaqaalaha iyo Madaxda Waaxyaha Xafiiskaasi oo uu sheegay inay si fiican u soo dhaweeyeen, isagoo dhanka kalena ka dalbaday inay si wanaagsan ula shaqeeyaan mudadii Madaxda u yahay.
Xubno ka mid ah dadkii xaflada ka soo qayb galay oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa labada masuul ku amaanay sida fiican ee ay hawsha isugu wareejiyeen, waxaanay Maareeyaha cusub ilaahay uga baryeen inuu hawsha u fududeeyo, halka Masuulka xilka wareejiyayna ay ku bogaadiyeen nidaamka fiican iyo horumarka xafiiskaasi uu ku sameeyay mudadii uu joogay.

Ugu dambeyntii Agaasimaha Guud ee wasaaradda Dib u dejinta Cali Maxamed Biikalo, ayaa xilka u kala wareejiyay labada Masuul, waxaanu Maareeyaha cusub kula dardaarmay inuu ku dedaalo sidii uu hawsha Xafiiska loo dhiibay uga soo bixi lahaa, isla markaana u horumarin lahaa adeegyada loo aasaasay.

Xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ee Xukuumadda Somaliland ayaa ka mid ahaa Hay’ado badan oo abuuristoodu la kowsatay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, iyadoo mudo laba sanadood iyo dheeraada oo u shaqayn jiray nidaam Hay’ad Madaxbanaan ka dib, madaxweynaha Somaliland dhawaan hoos geeyay Wasaaradda dib u dejinta Somaliland.

Somaliland.Org/Hargeysa