Booliska Laascaanood Oo Gacanta Ku Dhigay Laba Qof Oo Argagixiso ah

Laascaanood (Somaliland.Org)- Taliye Ku xigeenka qeybta Booliska gobolka Sool Cabdilaahi Siciid Guuleed, ayaa sheegay inay xalay cawayskii gacanta ku dhigeen laba qof oo argagixiso ah oo la sheegay inay doonayeen inay meelo ka mid ah magaalooyinka Somaliland ka fuliyaan qaraxyo argagixiso.

Taliye Ku xigeenka Booliska Sool waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay khadka Telefoonka ugu waramayay Tifaftiraha Wargeyska DAWAN, Cumar Maxamed Faarax, waxaanu tilmaamay in labadan qof ay xalay cawayskii ciidanka boolisku gacanta ku dhigeen ka dib markii ay ogaadeen inay isla xalay soo galeen magaaladda Laascaanood, una qorshaysan tahay inay uga sii gudbaan magaalooyinka kale.

Taliye Ku xigeenka qeybta Booliska Sool Cabdilaahi Siciid Guuleed, waxa uu xusay inay labadan qof ka yimaadeen koonfurta dalka aynu dariska nahay ee Soomaaliya.
Taliyuhu waxa uu intaasi ku daray in labadan qof ay ciidanka Boolisku baadhis ay ku hayaan isla markaana loo dhaadhicin doono Magaaladda Hargeysa.

Cabdilaahi Siciid Guulleed waxa kale oo uu sheegay inay magaaladda Hargeysa geeyeen nin ka mid ah dabley Jimcihii magaaladda Garoowe ku khaarajiyay nin sheikh ah oo la odhan jiray Sheekh Cabdiqaadir Nuur Faarax (Gacamay), waxaanu yidhi “Waxa Ciidanka Boolisku xalay (habeen hore gacanta ku dhigeen nin ka mid ah kooxdii fulisay dilkii sheekhii lagu dilay Garoowe, kaasi oo u soo baxsaday Laascaanood. Waxa Gaadhi Laascaanood uga u ingaydh gareeyay nin Laascaanood joogay. Ka dibna waxa uu ka soo qaaday meel Laascaanood duleedkeeda ku taalla.

Waxaana baabuurka lagu soo qaaday isagoo meel wado ah dhinaceeda taagan,. Markii ay Magaaladda laascaanood ay soo galeenna gacanta ayaanu ku dhignay ninkii iyo kii Baabuurka u kireeyay. Waxaana nimankaasi caawa (xalay) ay ku xidhan yihiin Magaaladda Hargeysa oo aanu u soo gudbinay.”
Somaliland.Org/Hargeysa