Shir Hawleed Lagu Lafo-gurayay sidii loo Xakamayn lahaa khataraha Dawooyinka oo Hargeysa lagu qabtay

Hargeysan (Somaliland.Org)-Shir hawleed socon doona muddo sadex maalmood ah oo ku saabsan sida loo maamulo Dawooyinka loogana taxadaro khataraha ay yeelan karaan ayaa manta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargaysa.

Shirweynahaas waxaa ka soo qayb galay ganacsatada soo dejiya dawooyinka iyo hawlwadeenada Farmasiyada caasimadda, iyadoo ay sidoo kale ka qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Md Cabdi Axmed Nuur (C Gurey), Madaxa WHO ee Somaliland Marwo aasiya cismaan axmed, Agaasimaha waaxda adeega Caafimaadka.

Madaxa WHO ee Somaliland Marwo aasiya cismaan axmed oo kulankaas ka hadashay ayaa sheegtay in shirweynahan aqoon isweydaarsiga ah loo qabtay sidii looga gaashaaman lahaa khataraha ka iman kara baayacmushtarka dawooyinka, waxana ay ku boorisay ka soo qayb galayaasha in dawooyinka ay dibada ka soo dejiyaan aanay dadweyne badani ku qanacsanayn sidaa darteedna looga baahan yahay in sees loo yeelo faa’iidada dhaqaale ee la doonayo, taa bedelkeedana looga baahan yahay dadka dawada ka baayacmushtara inay ka taxadaraan nolosha bani’aadamka si la mid ah sida ay uga taxadarayaan ganacsigooda iyo raadinta faa’iidada.

Agaasimaha adeega caafimaadka ee wasaaradda Caafimaadka Cabdiraxmaan Xirsi ((Heelliyo)) oo work-Shop-kaasi ka hadlay ayaa sheegay inay lama huraan tahay in baayacmushtariga dawooyinka la baro hanaanka ugu habboon ee ay u xafidi karaan dawooyinka isla markaana ugaga faa’iidayn karaan mujtamaca.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda caafimaadka Md Cabdi Axmed Nuur (C Gurey), oo isna kulankaasi hadal ka jeediyey ayaa sharaxaad ka bixiyey sida loogu baahan yahay in shirweynahan lagaga faa’iidaysto barashada iyo fahamka xafidaada iyo iibinta dawooyinka. Halka sidoo kalena uu cadeeyey in la diyaarinayo qorshe lagu doonayo in mustaqbalka lagu kaantaroolo dawooyinka dalka la soo gelinayo.

\Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com