Madaxda Somalia iyo Shanta Beenood ee Caadada U Ah

Somaliland.org

Opinion

Madaxda Somalia iyo dadka u dooda waxa lagu magaacabo “midnimo” waa dad ka ilaasha ummadooda runta markastana ku maaweeliya been lagu qoslo. Shanta [5] beenood ee ugu waaweyn uguna daran oo damiirka wangaagsan uu diido ee ay adeegsadaan iyo kashifaadoodu waa kuwan hoos ku qoran:

1. MIDNIMADU WAA MUQADDAS: Arrnitanu waa been ay madaxda Somalia dadkooda ku maaweeliyaan, waxayna ka qarinayaan in midnimada ku timaada israac laba dal oo aan cidi isku qasbin aanay ahayn marnaba muqaddas oo haddii lagu heshiinwaayo lagu kala tegikaro sida midnimadii dhexmartay Senegal iyo Maali oo lagu kala tegay 1960, Masar iyo Syria oo lagu kala tegay 1961, Rwanda iyo Burundi oo lagu kala tegay 1962, Cape Verde and Guinea-Bissau oo lagu kala tegay 1975,  Somaliland iyo Somalia oo lagu kala tegay 1991, iyo Ethiopia iyo Eritrea oo lagu kala tegay 1993. Midnimada muqaddaska ah ee aan lagu xadgudbikarin waa ta ka dhexjirta dal isku xuduud iyo taariikh ah. Matalan Puntland waa gobol ka tirsan Somalia oo la leh xuduud iyo taariikh kamana go’ikarto Somalia sababta oo ah midnimada Somalia gudaheeda waa muqaddas lagumana xadgudbikaro sida aanu loogu xadgudbikarin midnimada Somailand, Jabuuti, Ugandha iwm.

Midnimadii dhexmartay Somaliland iyo Somalia 1960 waxaa ay ahayd oo keliya inay horseeddo xorraynta iyo isukeenka qowmiyaddii Somaaliyeed ee u qaybsanayd shanta [5] gobol si loo wada hooskeeno hal calan iyo hal dawlad oo ka dhalata Geeska Afrika. Figraddaas Somaliweyn waa dhicisowday markii Jabuuti ay diiday inay ku soo biirto 1977, Kilinka 5aad iyo N.F.D kala raaceen Itoobiya iyo Kenya, labadii israacady 1960 (Somaliland iyo Somalia) ay dhibaatoweyn dhexmartay kalana noqdeen 1991. Sidaas darteed midnimada Somaliland iyo Somalia marnaba ma ahayn muqaddas balse waxay ahayd rabitaan laba shacab waana lagu kala tegay.

 2. XUDUUDAHA SOMALILAND WAA XUDUUDIHII ISTICMAARKA OO SOMALIDU MA AQOONSANA: Arrintanu waa been ay ku adeegtaan madaxda Somalia iyo kuwa uga qaybgala doodaha si ay runta uga qariyaan dadkooda. Dhammaan xuduudaha Afrika, Asia (Oo ay ku jiraan dhammaan dalalka carabta), iyo xuduudaha Koonfurta Amerika (South America) waa xuduudo isticmaar oo laga dhaxlay dalalkii Yurub ee gumaysanjiray Qaaradahaas sida Faransiiska, Ingiriiska, Talyaaniga, Spaanishka iwm. Qaranimada, wadanimada, iyo aqoonsiga dalkasta oo ka tirsan qaaradahan waxay ku salaysanyihiin xuduudihii ay ka dhaxleen isticmaarka. Ma jirto xuduuud ay dalalkaas u samaysay Qaramada Midoobay. Sidaas darteed, xuduudaha Somaliland waa xuduudo laga dhaxlay gumaysigii Ingiriiska waana xuduudo sharci ah marka la eego shuruucda xuduudaha adduunka ee ay aqoonsantahay Qaramada Midoobay. Ciddii dafirta xuduudaha Somaliland waxaa ay dafirtay xuduudaha Afrika oo dhan, Asia, South Amerika iwm.

3.SOMALILAND WAA GOBOL KA TIRSAN SOMALIA: Madaxda Somalia waxay dadkooda ku maaweeliyaan beenta ah  in Somaliland ka mid tahay gobollada Somalia sida Mudug, Bay, Sh/ Dhexe iwm. Runtu waxaa ay tahay in Somaliland tahay dal gaar ah oo xataa ka weyn Somalia xagga qaranimada. Somaliland waxaa uu ahaa dal qaranimada ka hor qaatay Somalia  bishii June 26, 1960 halka ay Somalia qaadatay qaranimadeeda July 1, 1960. Waa laba dal oo midkastaba leeyahay xuduudo iyo taariikh u gaar ah. Sidaas darteed, Somaliland maaha gobol ka tirsan Somalia ee waxaa uu ahaa haddana yahay dal gaar oo  madaxbanaan sida Jabuuti, Ethiopia, Kenya iwm.

4. SOMALILAND WAXAA AY KA TIRSAN TAHAY FADARAAALKA SOMALIA: Arrintanu iyaduna waa been lagu maaweeliyo dadka Somalia si looga qariyo xaqiiqda aan la daboolikarin. Somaliland waa dal gaar ah oo  madaxbanaan oo leh xuduud iyo taariikh u gaar ah. Waa dal leh dastuur, madaxweyne, xukuumad, baarlamaan, iyo nidaam dimoqaraadi ah oo wax lagu doorto. Somaliland weligeed kama ay qaybgelin wixii lagu magacaabijiray “Roadka Mapka Somalia”, kamana qaybgelin xulashada baarlamaanka iyo madaxda Somalia. Shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee u cararay Somalia si ay jagooyin u helaan una fushadaan danahooda gaarka ah ma matalaan ummadda Somaliland. Jambuuriyadda Somaliland waxaa matala madaxdeeda ay doortaan. Sidaas ayaa Somaliland aanay uga tirsanayn kana mid ahayn waxaa lagu magacaabo “Fadaraaka Somalia”.

5. DHIBAATOOYINKU MEELKASTA WAA KA DHACEEN: Arrintan iyadana sida wax u dhaceen loogama hadlo. Waa run oo labada ummadoodba waxaa saameeyay dagaalladii sookeeye oo u geystay burbur, geeri badan, hanti beel, iyo barakac. Laakiin waxay ku kala duwanyihiin laba arrimood. Waa midda kowaade, Somaliland waxaa dhibaatada u geystay oo ku soo duulay waa Somalia halka Somalia ay iyadu isku geysatay dhibaatada. Waa midda labaade, dadka Somaliland waxaa lagula kacay wax aad uga fog islaamnimada iyo Somalinimada oo aan hore taariikhda u soo marin. Waxaa ilaa hadda la helay 226 xabaal wadareed oo midda ugu yar ay ku jirto 12 qof, waxaanay ku kala yaaliin: Hargeysa: 200, Berbera: 12, Burco: 8, Ceerigaabo: 2, Gabiley: 2, Sheikh: 1, Arabsiyo: 1, Xeebta Jazeera (Muqdisho) : 1. Dadka xabaalahan wadareed lagu duugay ma ahayn dad hubaysan oo dagaallamaya, mana ahayn dad ay haleeshay xabbad ordaysa balse waxay ahaayeen dad aan dembi lahayn oo Sannadihii 1984, 1985, 1986, 1987, iyo 1988 guryahooda lagala bixijiray habeenkii gelinka dambe laguna gummaadijiray magaalooyinka dushooda sida ay caddeeyeen hay’adaha caalamiga ee dembiyada baadha (Internationa Forensic Science). Dadka intaas le’eg waxaa loo gumaaday oo dembi looga dhigay magaca qabiilkooda oo qudha.

Madaxda Somalia iyo dadka u dooda oo og dembiyada intaas le’eg ee dhacay oo dadkooda ka qariya kuna hadaaqa maalinkasta midnimo dembiile ah waa dad ka dhinsan damiirka iyo islaamnimada. Midnimo laga dhaxlay dunuubta intaas le’eg waa xaaraan in la soo cesho. Madaxweynaha Somalia, Sheikh Xasan Moxamuud, waxaa uu caado ka dhigtay inuu yidhaado maalin kasta: “Annagu ku raadinmayno midnimada xoog.” Waxaan kuu sheegayaa Somaliland kuma xoroobin baryo, xabbad ayaa lagu xorreeyay, waxaana lagu difaacayaa xabbad. Waxaan kugula talinayaa inaad ka waantowda goodintaas daciifka ah. Adiga oo taadii isu keenli la’ oo dhaafila’ madaxtooyada Xamar ayaad faanta.

Marka aad dhegeysato dadka Somalia ee u dooda waxa lagu magacaabo “MIDNIMO” waxaad moodaa inay Somaliland ka haysato dhul iyo dad, waxaad moodaa inay rabaan dhulka Somaliland oo aanay dadka Somaliland rabin sababta oo ah marnaba ma xusaan xasuuqa weyn ee kor ku xusan. Waxaan leeyahay dhulka Somaliland dadbaa leh ee maaha meel cidla’ ah oo aad usoo guurikartaan. Xukuumadda Somaliland iyo dadweynaha Somaliland waxaan uga digayaa inay wadahadallo la yeeshaan xukuumadda iyo dadka Somalia ee aaminsan 5 beenood ee kor ku xusan isla markaana dastuurkooda ku sheegtay Somaliland. Wa Billaahi Towfiiq.

Ibrahim Hassan Gagale

Email: ibrahim_hg@yahoo.com

Taariikh: Feb. 9, 2013.