Amnesty International oo ka Digtey Xidhiidh Milateri oo Dhexmara Ingiriiska iyo Soomaaliya

Hargeysa (Somaliland.Org) Hay’adda caalamiga ah ee xuquuqal insaanka, Amnesty International ayaa ka digtay wax xidhiidh milateri ah oo cusub oo dhexmara Ingiriiska iyo dalalka Liibiya, Soomaaliya iyo Burma.

Hay’adda amnesty waxa ay sheegtay in lagu abuuri karo oo keliya heshiishyada noocaas ah haddiiba la helo waxyaabo gaashaan ballaadhan ka noqda xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda Aadanaha.

Istaraatajiyad difaaca caalamiga ah oo uu ku dhawaaqay Khamiistii Xoghayaha Difaaca Ingiriiska Philib Hammond, ayaa ku dhawaaqey khamiistii istaraatajiyad difaaca caalamiga ah, taasi oo ka hadlaysay istaraatajiyad 20 sano ah oo aan wadan dagaal, oo ay tusaaleyaasheeda ugu horeeya ku jiraan kow in la abuuro qeyb difaaca iyo xidhiidhka ah oo ka tirsan safaarada Ingiriiska ee Burma.
Laba in wada shaqeyn dhaw lala yeesho Liibiya oo ay ku jirto talo bixin tababarada milateriga ah, gaar ahaan ciidamada badda iyo cirka, iyo ta saddexaad oo ah qorsheyaasha la doonayo in lagaga furo qeyb cusub oo difaac safaaradda cusub ee Ingiriisku ka furanayo Muqdisho, Soomaaliya.

Agaasimaha Amnesty International ee UK Kate Allen oo ka hadlayay digniintaasi ayaa yidhi “Milateriga ku sugan Liibiya, Soomaaliya iyo Burma, waxa ay dhamaan isaga mid yihiin in ay galaan xadgudubyo ka dhan ah xuquuqal insaanka, sidaa awgeedna loo badan yahay inuu Ingiriisku ku xidhnaado oo aanu indhaha ka qarsan xadgudubyada jiri kara mustaqbalka.

Agaasimuhu waxa uu intaa ku raaciyay in lagu daro qorshaha istaraatajiyadda difaaca caalamiga ah waxyaabo gaashaan u ah xuquuqul insaanka oo sal ballaadhan si aanu Ingiriisku ugu dhicin khaladaad ay ku lug yeeshaan ciidamadooda ka talowsan badaha.
Waxa kale oo uu agaasimuhu sheegay in ay tahay Ingiriisku inuu xidhiidhada u ula dhaqmo fursado ka caawinaya hagaajinta xuquuqal insaanka dalalkaasi, balse aanu u qaadan kuwo ganacsi iyo istaraatajiyadeed.

Tallaabooyinka noocani ah ayuu xusay inay xasuus u yihiin sababta aynu ugu baahanahay heshiis adag oo ganacsiga hubka caalamka ah, kaasi oo ay isku raaceen Qaramada Midoobay sannadkani, si loo xaqiijiyo in aanay hubka, qalabka amniga gudaha, tiknoolajiyada iyo tababaradu u noqon kuwo gala ganacsi caalamka iyaga oo aan lahayn xeerar iyo dabagal ku haboon.

Somaliland.Org/Hargeysa