Yaman oo Iraan ku eedeysay in ay hubnaynayaan kooxo reer Yaman ah

Dawladda wadanka Yaman ayaa ka dalbatay xukuumada wadanka iraan in ay joojiso taageerada ay u fidiso kooxo dalkeeda ku sugan.

.
Xukuumda Yaman Ashtako u gudbisay golaha amaanka ee qaramada midoobay , waxaanay ka codsatay in la smeeyo guddi khubaro ah oo baadhitaan kusoo sameeya shixnad hub ah oo ay qabteen ciidamada ilaalada xeebaha ee Yaman.

Madaxweynha Yaman Cabdi Rabu Mansuur Haadi, ayaa farta ku fiiqay , in Iraan ka dambeyso taageerida kooxo hubaysan oo dalkiisa ku sugan.

Arrintan ayaa ka dambeysay ka dib markii ciidamada ilaalada xeebaha ee Yamantu ay qabteen doon siday hub ay ku jiraan sawaariikh , taasi oo Yamantu rumaysan yihiin in ay ka timid dhinaca iiraan.

Wakaalada wararka ee Reuters ayaa masuul reer Yaman ah kasoo xigatay in madaxweynaha Yaman uu xidhiidh la sameeyey madaxweynah Iraan Maxamuud Axmed Najad, isagoo ka dalbaday in iraan ay faraha ka qaado in dalkiisa hubka loo soo tahriibiyo.

Iiraan ayaa dhinacaeeda beenisay in ay wax xidhiidh ah la leedahay hubkaasi lagu qabtay doontaasi maraeysay xeebaha wadanka Yaman .

Ilaalada xeebaha ee wadanka Yaman ayaa doonidaasi biyaha ku joojiyey dhawaanta ka dib markii ay wadashaqeyn ka heleen ciidanka badda ee Mareykanka.