Ururadda Xuquuqul Insaanka Somaliland Oo Baaq U diray Ingiriiska

Hargeysa (Somaliland.Org)-Difaacayaasha iyo Ururrada madaxabaan ee Xuquuqda Aadamaha Somaliland ayaa Baaq tallo iyo tusaale isugu jira u diray Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ingiriiska William Hugue oo la filayo maalmaha soo socda inuu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu kula kulmo dalkiisa.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Difaacayaasha iyo Ururrada madaxabanaan ee Xuquuqda Aadamaha Somaliland oo ku saxeexan yahay Afhayeenka dalladaas Saleebaan Ismaaciil Bulaale ayaa si faahfaahsan u soo bandhigay dimuqraadiyada, nabadgelyada iyo hanaanka ku dayashada ah ee ka hirgalay Somaliland Waxaanu u qornaa sidan:-

“Anagoo ah dhaqdhaqaaqyada dimuquraadiyad doonka ah ee Somaliland gaar ahaan difaacayaasha iyo ururada madaxabanaan ee xuquuqda aadamiga Somaliland, kana kooban in ka badan 27 urur wadani oo ka hawlgala dhamaan gobolada Somaliland, waxanu ugu horayn uga mahadcelinaynaa kaalinta wax ku oolka ah ee dalkaaga boqortooyada Ingiriisku ka qaadatay dhismaha dimuquraadiyada curdinka ah ee dalkayaga Somaliland, iyo gargaarkii joogtada ahaa ee dhinacyada amaanka, waxbarashada, caafimaadka iyo kobcinta bulshada rayidka ah ee dalkayaga Somaliland aad ka taageerayseen 20-kii sanadood ee ugu dambeeyay.

Mudane Wasiir, sida aad adiguba xogogaalka u tahay dimuquraadiyadda ka jirta dalkayaga Somaliland waxay tusaale fiican u tahay guud ahaan qaarada Afrika iyo Dunida Islaamka, waxaana dalka Somaliland iyo xukuumaddiisa sida xorta ah ee xalaasha ah uu u soo doortay shacbiga Somaliland kaalin wax ku ool ah ka qaadataa la dagaalanka argagixisada caalamiga ah, budhcad badeeda iyo dambiyada xuduudaha dalalka iskaga talaaba, iyadoo wada shaqayn dhaw kala leh sugida amaanka manadaqada geeska Afrika dalalka dariska ah sida Ethiopia, Jabuuti iyo Yamen.

Afarta Milyan iyo Badhka (4.5 million) muwaadin ee shacbiga Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay difaacaan oo ilaashadaan dastuurkooda dimquraadiga ah iyo hay’adaha duwiliga ah ee ay sida xorta ah u doorteen, waxana ay meel uga soo wada jeedaan oo ay diideen in ay qaataan afkaarta kuwa neceb dimuquraadiyada iyo ku dhaqankeeda.

Mudane Wasiir, iyo madaxda sare ee qoraalkan aanu la socodsiinayba Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Rayidka ah ee Dimuqraadiyad doonka Somaliland waxay la socodsiinayaan cida danaha iyo masaaliixda dalka Somaliland lagala hadli karaa ee go’aanka kama dambaysta ah lahi in ay tahay kaliya Madaxwaynaha aanu sida dimuquraadiga ah u dooranay ee Mudane Ahmed Mohamed Mohamoud ‘Siilaanyo’ iyo Xukuumadiisa.
Waxanu bulashada caalamka la socodsiinaynaa in aayaha iyo masiirka dalka Somaliland iyo shacabka aan marnaba lagala hadli karin Xukuumada dalka adduunka ugu liita ee Somalia. Dalkayagu waa mid madaxbanaan oo ay aqoonsadeen 36 dal oo xubno ka ah Qaramada Midoobay markii aanu madaxbanaanida ka qaadanay Boqortooyada Ingiriiska 26 June 1960kii, waxana aanu dib ula soo noqonay 18 May 1991 midowgii aanu la galay dalka Somalia 1 July 1960.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga iyo Dhaqdhaqaaqyada Rayidka ah ee Dimuqraadiyad doonka Somaliland waxay aad uga xun yihiin dhawaaqa dhawaan ka soo yeedhay wasaarada Arimaha Dibada Ingiriiska oo ka dayrinayay dhinaca ammaanka dalka Somaliland kaasi oo dhab ahaan aanu u aragno mid aan xaqiiqada ku dhisnayn balse, xukuumaddayadu u qaadatay digniin iyo feejignaan.

Bulshada caalamku gaar ahaan dalka Boqortooyada Ingiriiska waxanu ku boorinaynaa in uu sii wado taageeradii wax ku oolka ahayd ee uu dalkayaga Somaliland siinayay, waxananu u sheegaynaa in shacbiga Somaliland si buuxda ugu kalsoon yahay xukuumada uu hogaamiyo Madaxwaynahayga Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay ugu baaqaysaa inay ku soo biiraan Ololaha HornWatch oo qoraalkani bilow u yahay, isla markaana Nuqulka Afka Ingiriisiga ah ee baaqan ay saxeexaan una diraan cinwaanada Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ingiriiska iyo Arrimaha Barwaaqa-sooranka.”