Maayarka Baki Oo ka hadlay Dayactir ay ku samaynayaan Jidka u dhaxeeyaha Baki iyo Boorame

Baki (Somaliland.Org)- Gudoomyaha golaha deegaanka ee degmada Baki, ayaa sheegay inay hagaajinayaan islamarkaana dib-u-dhis ku samaynayaan wadada Todoba Kormood ee u dhaxeeya Baki iyo Boorame oo dhibaato badan ku haysay gaadiidlayda iyo guud ahaan dadwaynaha gobolka Awdal.

Gudoomyaha degmada Baki Maxamed Aw-Axmed Caateeye, oo ku sugan wada ay hagaajinayaa Todoba Kormood, ayaa isaga oo ugu horayn ka hadlaya balan qaayadii dadka horay ula galeen wax uu yidhi, “anagu markaanu lee nahay golaha cusub ee degmada Baki dooratay, waxaanu dadka horay markaanu dootrashada galaynay ugu balan qaadnay in isbadal imanayo inaanu isbadal keenayno, waxaan jecelahay inaan degmada galino mashaariic oo wadooyinka ugu samayno ceelal ugu qodno, waxaanu idiin sheegaynaa in mashruucani yahay kii labaad ee fulino”.

Gudoomyaha degmada Baki, wax uu sheegay wadan oo kaliyi aanay u baahnay hagaajin balse ay jiraan wadooyin kale kale oo dhowr ah u baahan dayactitir,waxaanu yidhi “wadadu tan un maahee waxaa jira shan waddo oo kale oo burbursan oo u baahan dayactir waa wadada Gabilay, Dila, jabuuti iyo Cali Xaydh intuba wadooyinkaas way go’ go’an yihiin waana dhul buuralay ah oo hadaad maanta samayso bari roobka da’aa kaa daba maydhayo, waxaanu codsanaynaa haday tahay dowlada dhexe iyo hayada caalamiga ah in nalaga caawiyo mashaariicdaasi, degmadu dakhlifeedu ma badna waa degmo aad u gabno ah hadana wixii ka soobaxa inaanu degmada dib u galino balan ayay naga tahay shacbigayaga waxaan u sheegaynaa inay iyagunu xooga ku tabo rucaan howshan manta degmada ayaa kharashka bixisay”.

Gudomiyaha degmada Baki waxa kaloo uuu sheegay wadooyin kale oo burbursan oo todobaadka dembe howshooda bilaabayaan, waxaanu dadwaynaha ku dhaqan degmada ka codsaday inay bixiyaan canshuurta ku waajibtay, si buu yidhi wax loogu qabto niyaga kana qayb qaataan dib-udhiska degmada.

Xildhibaan Ducaale isna dhankiisa ka warbixiyay wax qabadka golaha degaanka degmada Baki iyo sida ay ugu howlan yihiin horumarinta howlaha kaabayaasha bulshada, ayaa waxa uu yidhi “howshani waa bilawgii howshayada waana balan qaadkii golaha degaanka ee cusub bulshada soo dooratay u balan qaaday inuu rumeeyo wayna ka go;an tahay inuu bulshada u hirgaluyo howlaha kaabayaasha u ah nolosha haday tahay waxbarashada, caafimaadka, jidadka iyo dhamaan wax yaalaha aasaasiga ah.

Somaliland.Org/Boorame