“Waxaanu Soo Dhawaynaynaa Bayaankii Cuqaasha Beesha Subeer Celi Soo Saartay”

Bayaan Dhalinyarro

“Haddii aanu nahay Dhalinyarada beesha Subeer Celi ee degmadda Axmed Dhagax, waxaanu si kal iyo laab ah u soo dhawaynaynaa bayaankii iyo dhawaaqii cuqaasha iyo waxgaradka beeshayadu soo saareen 6-dii bishan ee laga sii daayay qalabka warbaahinta dalka.

Waxaanu ayidaynaa in hadalkii cuqaasha iyo xubno ka tirsan waxgaradka Beesha Subeer celi ay u bayaamiyeen ummadda reer Somaliland. Waxaanu ka soo horjeednaa wax kasta oo wiiqi kara nabad-gelyadda dalka iyo wada jirka ummadda reer Somaliland.

Waxaanu u aragnaa go’aan loo dhan yahayna ku qaadanay in lagu khasbanaado in la ayido go’aankii doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka ee wadanka ka dhacay 28-kii bishii November 2012-kii.

Waxaanu soo dhawaynaynaa dedaalka ay xukuumaddu u gashay ka midho dhalinta darajooyinkii ciidammadda ee xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysatay inay darajooyinkii u xidho 12-kii xubnood ee ugu sareeyay afarta ciidan qaran ee dalka.”

1- Maxamed Cismaan.
2- Muuse Muxumed Ibraahim.
3- Aadan Cabdi Xuseen.
4- Cumar Jaamac Cabdi.
5- Siyaad Ismaaciil.
6- Cali Maxamed Xasan.
7- Axmed Ismaaciil Muxumed
8- Axmed Cabdilaahi.