Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka qeyb galay Shir Caalamiya Oo Lagu Qabtay Faransiiska

Paris (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland C/laahi Jaamac Cismaan (Geel-jire) ayaa ka qayb galay Shir Caalami ah oo ku saabsan dhibaatooyinka Baddaha oo ay soo qaban qaabiyeen Ciidamadda Dawladaha Yurub (Euro-marine), kaasoo socon doona muddo laba maalmood ah.

Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Faransiiska Cali Ismaaciil Xasan ayaa Wasiirka wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland ku soo dhaweeyay kadib markii uu doraad gaadhay shirkaasi, waana markii koowaad ee Somaliland lagu soo casuumo shir noocaas oo kale ah.

Shirkan ayaa ah mid lagaga wadahadli doono saamaynta uu dagaalka lagula jiro Budh-cad badeedu ku leedahay Badaha Caalamka iyo sidoo kale sidii looga hor tagi lahaa dhibaatooyinka ay ku hayaan kooxaha Budhcad badeeda ah marinada caalamiga ah.

Xukuumadda Somaliland ayaa dedaal ugu jirta kaalinta ay ka qaadato la dagaalanka budhcad Badeeda iyadoo Heshiisyo Caalami ah kula jirta Ururada ku mashquulsan, waxaana Hargeysa ku xidhan Budhcad badeed lagu soo maxkamadeeyay Siishalis iyo kuwa Biyaha Somaliland lagu qabtayba.

Xukuumadda Somaliland waxa ay sidoo kale talaabo adag oo lagaga hor tagayo Xaalufka Badeeda ku qaaday Maraakiib Ajaanib ah oo ka kaluumaysan jiray isla markaana waxyeelo badan ku hayay Kaluunka iyo Kalluumaysatada yar yare e wadaniga ah.

Somaliland.Org/Hargeysa