Wakiilka Xaqsoor Ee Ingriiska Oo Abaabulaya Mudahraad

 

London (Somaliland.org) Wararka la isla dhex marayo ee  galbeedka magaalada London ayaa sheegaya in ninka la yidhaa  Maxamed Ibrahim Qabo inuu abaabulayay kuna hawlanaa maalamaha u dambeeyay mudahraad lagaga soo horjeedo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo waftigiisa oo maalinta Jimcaha ku soo beegan dalka Ingriiska si ay ugala hadlaan digniintii dalka Ingriisku muwaadiniintooda uga digeen amaanka dalka Somaliland.  Wakiilka ururkii Xaqsoor Maxamed Ibrahim Qabo ayaa  la xaqiijinayaa inuu xidhiidho la samaynayay taageerayaashii ururkii Xaqsoor iyo cid kasta oo u diyaar ah inay ku mudahraaddo madaxweynaha Somaliland.   Socdaalka madaxweynaha ayaa la xidhiidha ah inay ka dhaadhiciyaan dawladda dalka Ingriiska in Jamhuuriyadda Somaliland lagu seexdo nabad laguna soo tooso nabad halkaas oo ay dhamaan shaqaalihii Ingriiska ahaa ee loogu baaqay inay ka soo baxaan dalka Somaliland ay sheegeen in aanay marnaba arag lana kulmin wax lagu tilmaamo amaan darro  ka jirta dalka jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanay sheegeen dadka Ingriiska ah ee ka hawlgala Jamhuuriyadda Somaliland in xukuumadda Somaliland ay sii xoojisay ilaalinta iyo sir doonka nabadgalyada dalka Somaliland.

Wakiilka ururkii Xaqsoor Maxamed Ibrahim Qabo iyo shakhsiyad kale oo ay ka mid yihiin ninka la yidhaahdo  Adan Dheere ( Jamal Madar)  iyo nin sheegta inuu yahay danjire cabdilfataax ayaa toddobaadii inna  soo dhaafay lagu tuhunsanaa inay ka dambeeyeen qoraalo iyo saxeexyo cambaaraynaya kana  dayrinaya amaanka jamhuuriyadda Somaliland  inay u gudbiyeen xafiiska barwaaqasoonka dibadda (FCO) ee dalka Ingriiska.

 

Xigasho/Somalilandwire.com