Madaxweyne Siilaanyo Oo Kulan La yeeshay Safiirka Maraykanka ee Kenya Iyo Saraakiil kale

Dawladda Maraykanka Oo Marti-qaad u Fidisay Madaxweynaha Somaliland
Maraykanka Oo Sheegay In Aqoonsiga Soomaliya Aanu waxba u dhimayn xidhiidhka Somaliland Iyo Maraykanka

Nairobi (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta magaaladda Nairobi kula kulmay Danjiraha Maraykanka u fadhiya wadanka Kenya Ropert F. Godec, iyo madax kale oo ay ka mid ahaayeen Brian Phipps, Deputy Special Rep for Somalia, iyo Marwo Hodan Hassan USAID Deputy Director.

Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed kulankaasi ay ka soo saartay dawladda Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:-

„“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdidigii uu hogaaminayay oo maalmahanba ku sugnaa Dalka Kenya ayaa maanta kulan balaadhan la yeeshay Madax sare oo Maraykan ah oo uu hor kacayay Danjiraha Dawlada Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya Ambassador Ropert F. Godec, iyo madax kale oo ay ka mid ahaayeen Brian Phipps, Deputy Special Rep for Somalia, iyo Marwo Hodan Hassan USAID Deputy Director.

Kulankan oo si balaadhan loogu lafo guray arrimaha Nabadgelyada, Horumarka, Dhaqaalaha, Siyaasada, kobcinta Dimuqraadiyada, Xaalada guud ee mandaqada iyo xidhiidhka u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Maraykanka ayaa waxaa hadal dheer ka jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo si balaadhan uga warbixiyay xaallada guud ee Somaliland iyo sida ummada reer Somaliland ay dalkooda hooyo dib ugu dhisteen isla markaasna ay uga go’an tahay inay gaadhaan yoolka ay higsanayaan ee ah inay dunida ka helaan Aqoonsi Buuxa.

Waxa uu Madaxweynuhu aad ugu nuux-nuuxsaday in dalka Somaliland ay ka jirto Nabadgelyo buuxda isla markaasna ay Shacbiga iyo Xukuumada Somaliland iyaga oo gacmaha is haysta ay heeggan buuxa ugu jiraan inay ka hortagaan cid kasta oo Nabadgelyada wax u dhimaysa, waxa kale oo uu Madaxweynuhu tilmaamay in Jamhuuriyada Somaliland ay kaalin muhiim ah kaga jirto la dagaalanka Budhcad badeeda iyo Argagixisada, isla mar kaasna uu xidhiidh qoto dheer oo dhinaca Amaanka ahi uu ka dhexeeyo dalka Somaliland iyo wadamada deriska ah iyo dalalka reer galbeedka, mar kastana ay Somaliland diyaar u tahay sidii ay uga qayb qaadan lahayd xoojinta amaanka ee Mandaqada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa kale oo ka war bixiyay in Somaliland ay sii wadi doonto wada hadaladii ay la yeelanaysay Dalka Soomaaliya ee ku saabsanaa sidii la isula meel dhigi lahaa xidhiidhka mustaqbalka ee Jamhuuriyada Somaliland iyo Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana uu xusay in ay Somaliland diyaar u tahay inay gacan ka geysato wax kasta oo lagu xasilanyo amaanka geeska Afrika.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya iyo madaxda kale ee la socotay ayaa waxa ay iyaguna dhinacooda si cad u tilmaameen in Aqoonsigii ay dhawaan siiyeen Dawlada Soomaaliya aanu waxba u dhimayn Xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyay Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalka Maraykanka, isla mar kaasna ay sii xoojin doonaan kaalmada uu Maraykanku u fidin jiray Somaliland, waxa kale oo ay sheegeen inay gacan balaadhan ka geysan doonaan arrimaha Horumarka iyo geedi socodka Dimuqraadiyada Somaliland, isla markaasna ay gacan balaadhan ka geysan doonaan Doorashooyinka soo socda, iyaga oo horeba gacan uga geysan jiray doorashooyinkii hore ee dalkeena ka qabsoomay.

Dhinaca kale waxa ay Dawlada Maraykanku Martiqaad u fidisay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo inuu booqosho ku yimaado Dalka Maraykanka, si uu ula kulmo Madaxda kala duwan ee Dalkaasi Maraykanka, waxaana uu Madaxweynuhu Aqbalay Martiqaadkaas iyada oo uu socdaal ku tegi doona Mustaqbalka dhow Dalka Maraykanka.

Kulankan Waxa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Debada Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire. iyo Danjiraha Somaliland u fadhiya Dalka Kenya Dr. Maxamuud Cabdilaahi Sifir.

Tan iyo markii wafdiga Madaxweynu ay soo gaadheen Dalka Kenya waxa Madaxweynaha loo qaabilayay si heer sare ah, iyada oo Xukuumada Kenya ay Madaxweyne Siilaanyo u qaabishay heer Madaxweyne oo la mid ah ka ay ku qaabisho Madaxda dunida ee la Aqoonsan yahay, waxaana la siiyay gaadiidka gaarka ah iyo ilaalada gaarka ah ee Madaxweynayaasha loogu talo galay, waxaana ay tani tilmaan cad u tahay xidhiidhka sii xooggaysanaya ee u dhexeeya labada Dal ee Somaliland iyo Kenya.“

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com