Guddoomiyaha Cusub ee Maroodi-jeex Oo Ka Dareen Celiyay Isku Shaan-dheynta Badhasaabadda dalka

Hargeysa (Somaliland.Org)- Guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodi-Jeex Md Maxamed Maxamuud Cali (Jeenya-yare), ayaa madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku hambalyeeyay isku shaandhayntii uu dhawaan ku sameeyey badhasaabada gobolada dalka, taasi oo uu ku tilmaamay taalo fiican oo dawladnimo.

Md Maxamed Maxamuud Cali (Jeenya-yare), oo u waramay wargeyska DAWAN, ayaa waraysigaasi aanu la yeelanay waxa uu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin sida uu u arko isku shaandhaynta uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay badhasaabada gobolada, caqabadihii uu la kulmay muddadii uu badhasaabka ahaa gobolka Sool, waxyaabihii u qabsoomay iyo waxyaabo kale.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Maroodi Jeex, oo ugu horayn ka hadlaya aragtidiisa ku waajahan isku shaandhaynta uu Madaxweynuhu ku sameeyey guddoomiyeyaasha gobolada, waxa uu yidhi “Waxaan u arkaa waa arrin fiican oo talaabo dawladnimo ah oo la filayay oo uu Madaxweynuhu qaaday, Madaxweynahana waan ku hambalyaynayaa talaabdaasi uu qaaday isaga iyo xukuumadiisaba, waanan soo dhawaynayaa”.

Md Maxamed Maxamuud Cali (Jeenya-yare), oo aanu waydiinay waxa uu ka filayo gobolka Maroodi Jeex ee loo soo magacaabay iyo waxa uu ka filayo shacabka ku nool gobolka, waxa uu yidhi “shacabka reer Maroodi Jeex waxaan ka sugayaa wada shaqayn fiican iyo sida ay ii soo dhaweyeen aniga oo aan xilkiiba la wareegin in ay iila shaqeeyaan.halkan la ii soo bedelayna Alla ha igu asturo, dawlada, shacbiga iyo saxaafaduba way is oo dhaweeyeen, badhasaabka la igu bedelay iyo kuwa kaleba waxaan Illaahay uga baryayaa in ay guulaystaan”.

Waxa kale oo Md Jeenya-yare ka waramay caqabadihii ka horyimid muddadii uu gobolka Sool guddoomiyaha ka ahaa, waxaanu sheegay in markii loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Sool ay xaalad adag ka jirtay bal se taasi uu kaga gudbay gacan uu ka helay ciidamada amaanka iyo waxgaradka gobolkaasi, isaga oo xusay in arrintaasina ay ahayd tii suurta gelisay in muddo labaatan sano ah markii u horaysay ay doorasho ka dhacdo gobolka Sool.

“Anigu markii aan gobolkaasi tegay faraha kuma jirin, laakiin dawlada, ciidamada iyo waxgaradkuba way ila shaqeeyeen, anigu shaqsi ayaan ahaa waxba keliday maan qabteen, waxaanu soo gaadhsiinay in doorashadii golaha deegaanku ka dhacdo, kana mid noqday goboladii ay doorashadu sida wanaagsan uga dhacday”. Ayuu yidhi Md Jeenya-yare.

Md Maxamed Maxamuud Cali (Jeenya-yare), oo hore u ahaa guddoomiyihii gobolka Sool bal se uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland u magacaabay badhasabaaka gobolka Maroodijeex, ayaa

Sidoo kale, waxa uu Md Jeeniyare ka waramay waxyaabihii u qabsoomay muddadii uu gudoomiyaha gobolka Sool ka ahaa, waxaanu sheegay in waxqabd badan oo dhinaca adeegyada bulshada ah in uu ka qabtay, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu yidhi “Waxyaabo badan oo adeegyada bulshada ah ayaan ka qabtay, oo ay ka mid tahay dhismaah Jaamacada Nugaal University, dugsiga boodhin ka ah ee dalka ugu wayn oo aanu dhisnay, xafiiska wasaaradaha qorshaynta iyo macdanta iyo biyaha oo aanan markii hore jirin oo aanu dhisnay, jidad aanu magaalada Laascaanood ka hirgelinay, nabadgelyadii oo aanu hananay”.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Maroodijeex ayaa ugu danbayntii u soo jeediyay shacabka ku nool gobolka Sool in ay ilaashadaan wada jirka isku duubnida isla markaana ay meelna uga soo wada jeedsadaan ilaalinta nabadgelyadooda, isaga oo intaasi raaciyay in bulshada ku dhaqan gobolka Sool uu ka filayo in ay si wanaagsan ula shaqeeyana guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay gobolkaasi.

“Bulshada iyo shacabka reer Sool, waxaan u soo jeedinayaa oo aan ugu baaqayaa inay nabadgelyadooda ilaashadaan, guddoomiyaha cusubna la shaqeeyaan, waxaan ugu baaqayaa intii aan joogay si fiican ayay iila shaqeeyeen, waxaan leeyahay guulaysta,”. Ayuu yidhi Md Jeenyayare.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com