Boobe Yusuf Ducaalow Tacsidadii Wasiirnimadu Dhamaataye Baroorta Soo Jar Hadaba !

Somaliland.org

Boobe Yusuf Ducaale waxaa ka soo hadhay baaba’aygii iyo booskii la iga qaaday.  Boobe Yusuf Ducaale tan iyo maalintii xilka laga qaaday baroortiisii ayaa geelu ka cabbay isaga oo ay ka noqotay dheh wixii afkaaga ka soo baxaba.   Waxaan ka mid ahaa dadkii Boobe Yusuf Ducaale aad u ixtiraami jiray. Waxaan ahaa dadkii Boobe Yusuf Ducaale iyaga oo aan baran taariikhdiisana waxba ka ogayn, duuduubka ugu saxeexay inuu yahay shakhsi sharaf badan oo qadarintiisu gaadhsiisan tahay heer sare. Boobe Yusuf Ducaale kolay dad badanina way ila qabaan qaaqdan ka yeedhaysa tan iyo intii xilka laga qaaday maxaa ka qaylisiiyay?  Waar ilayn Boobe shaqo lagama eryo ?

ILLAAHOW, maxaa dadka in badan amuusku khayr u lahaa. Dadka waxaa ka mid ah Boobe Yusuf Ducaale oo marraa waaxid is fashiliyay wuxuu yahay maantana la bartay wixii dambe ee loogu soo hagaagi doono.  Boobe Yusuf Ducaale wuxuu ku wanaagsanaa aamusnaanta intaanu ka daba  barooran xil sida dhacda mas’uul kasta madaxweynuhu ka qaadi ka marka uu dhaliilo mas’ulkaas.

Sidaynu la wada socono Boobe Yusuf Ducaale waxaa ka soo hadhay qoraalo  is daba joog ahaa oo iska hor iyo daba imanayay oo ugu magac daray xil ka qaadistaydii  iyo xamaan urursigaygii.    Qofka aan mas’uulka ahyn  ee miisaan caynkaasana  u sii lahayn sidaa Boobe  waxaa la bartaa maalinta xil loo dhiibo iyo maalinta xilka laga qaado, gabigiisuba intaasuu ku siman yahay !    Waxaan ka filayay Boobe xilkii haddii lagaa qaaday , oday haddaad mujaahid ahayd oo ay kaa dhab tahay nolol kale u diga rogo dibin daabyada iyo qoraalkaaga munaafaqaddu ku jirto ka daa umadda.  Boobe Yusuf Ducaale, mar uu shalay ka hadlayay munaasabad uu ku jiray dad urursi uu iska dhisayay Xasan Ciise Jaamac oo isba ah gar ma qaate kale ah. ayaa waxaa ka mid ahaa hadaladiisii “Wasiir yar marka uu yidhaahdo Xasan Ciise hadli maysid ,oo ah nin dadku ay qadariyaan ,markaad meel soo gasho dadku way kuu banaynayaan , oo waxay leeyihiin u baneeyo wasiirka , aniga oo aan wax xil ah hadda haynin ayey haddana sidaasi noo qadariyaan dadku, maxaad u malaynaysaa nin 1 sanno dalkan u so dagaalamayey kana noqday madaxweyne ku-xigeenka waa in la ixtiraamo oo la sharfo”

Boobow, wasiirka yar ee aad sheegaysaa miyaanay ahayn tan aad tacsiydeedii wali aanay kaa dhamaan? Waxaa wax lala yaabo ah in goobtii kasta ee dawladda lagu hadal hayaba inaad inaad sidii qasabad la furay macno darro ika hadasho.  Haddaan in yar dib ugu noqdo halgankii SNM waxaad moodda in shakhsiyaad Dire Dhabej joogay  iyo Boobe ay isku magacaabaan mujaahid dadkii  qoriga sitaay ee dalka xoreeyayna aanan wali garan magaca ay bal ay tahay inay ugu yeedhaan.  Dadku waa wada mujaahid ka soo wada qayb qaatay halgankii xoraynta ama nabadaynta iyo samo ka talinta beelaha Somaliland.

Waxaan Boobe Yusuf Ducaale kula talinayaa tacsiyaddu toddoba maalmood kama badato laakiin adiga taadii ahayd xilka qaadistaydii iyo xamaan urursigaygii tacsiyadeedii wali waad u fadhidaa ee faataxada u mar soona laalaab. Waxaa kale oon ku xasuusin lahaa inaad adigu taariikh ka samaysatay mansab dambe oo laguu garto waayo baroor dambe iyo tacsiyad dambe abada ah u malayn maayo inaad adna qadi karto dadweynuhuna dib kaaga dhagaysan doonaan.

 

Dayib Xaji Siciid (Dayib Qorane)

Hargeysa

qorday44@gmail.com