Madaxweynaha Faransiiska Oo Booqday Maali

Maali (Somaliland.Org)-‘Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande, ayaa booqasho ku yimid magaalada Timbuktu ee dalka Mali oo ay ciidamada Faransiiska iyo kuwa Mali ay ka qabsadeen kooxo islaamiyiin toddobaadkii hore.

Wariyaha BBC ee Mali ayaa sheegaya in Mr Hollande si fiican loo soo dhawaynayo, iyadoo dadka reer Timbuktu ay ku faraxsan yihiin in islaamiyiintii qabsaday magaalada laga bixiyay.


Hogaamiyaha Fransiiska oo ay la socdaan Wasiiro ayaa booqasho hal maalin ku tagay Mali, si uu u taageero ciidamada Faransiiska.

Xigasho: BBC SOMALI