Imaamyada Hargeysa Oo Khudbadihii Salaadii Jimcaha Kaga Hadlay Go’aankii Ingiriiska

Hargaysa (Somaliland.Org)- Imaamyada masaajidada waaweyn ee magaalada Hargeysa, ayaa khudbadihii Salaada Jimcaha ee shalay si wayn ugaga hadlay go’aankii ay dawlada Britain todobaadkii hore soo saartgay, ee ay muwaadiniinteeda uga digaysay amaanka Somaliland.
Imaamyada ayaa khudbadahooda waxay intooda badani, si isku mid ah ugu dhaliilay hadalkaasi dhawaan ka soo baxay dawlada boqortooyada Ingiriiska, waxaanay Culimada sheegeen in aanay wax nabadgelyo daro ahi, ka jirin Somaliland xilligan la joogo, iyaga oo ku tilmaamay warkaasi in dawlada Britain ay ka lahayd ujeedo gaar ah.

Sidoo kale waxa ay Culimadu sheegeen in hadalka ka soo yeedhay dawlada Britain uu ahaa mid lagu waxcyeelanayay sumcada iyo sharafta Somaliland, isla markaana ahaa dacaayad aanay waxba ka jirin.

Imaamyada Masaajidada waaweyn ee Hargeysa ayaa dawlada Britain waxay ku tilmaameen in talaabadaasi ay uga dan lahayd in lagu khalkhal gelinayo amaanka iyo kala danbaynta Somaliland ka jirta, taasi oo ay soo maleegeen cadawga Somaliland.
Waxa kale oo ay Culimadu khudbadahooda ku cadeeyeen in hadalkaasi uu ahaa mid meel ka dhac ku ah ummada Somaliland laguna tilmaani karo mid lagaga soo horjeedo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com