Golaha Deegaanka Baligubadle Oo Isku Qeybiyay Guddi Hoosaadyadoodii

Baligubadle (Somaliland.Org)- Golaha deegaanka ee Degmada Balligubadle ayaa maanta fadhi ay yeesheen waxay ku doorteen guddi hoosaadyada Golahaasi.

Xubnaha Golaha deegaanka ee Degmada Balligubadle waxay fadhigoodii maanta isla qaateen hanaanka dhismaha guddi hoosaadyadda uu Golahaasi yeelan doono iyo waajibaadka ay guddi waliba ku hawl-geli doonto.

Fadhigii Xubnaha Gudida Golaha deegaanka Degmada Balligubadle oo uu shir gudoominayey Maayarka degmadaasi Md. Cabdi Iimaan Jaamac ayaa si wada jir ah waxay u hambalyeeyeen dhamaan saraakiisha, saraakiil Xigeenadda iyo Askarta Ciidanka Qaranka iyagoo ugu hambalyeeyey munaasabadda maalinta Ciidanka qaranka somaliland oo ku beegan maanta oo ay bisha febaury tahay 02.

Sida la ogyahay Degmada balligubadle oo muddo dheer xarun u ahayd Guutooyinkii Xoogagii SNM ayaa sidoo kale waxaa lagu tiriyaa deegaanadii ugu horeeyey ee ay ka hirgashay siyaasadii hub ka dhigistii maleeshiyaadka ee sanadihii bilowgii sagaashanaadkii ee qarnigii ina dhaafay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com