Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Hirgelinayso qorshe la xidhiidha isku Filaanshaha Cuntadda

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaaradda qorshaynta horu marinta qaranka Dr. Sacad Cali Shire ayaa waxa uu sheegay in xukumaddu wado qorshe la doonayo in aynu wadan ahaan iskaga filnaano xagga cuntada. Wasiirku waxa kale oo uu sheegay in loo baahan yahay in dalkeena laga isticmaalo cuntoouinka wadaniga ah ee dalkeena ka soo baxa si laga maarmo cuntooyinka dalkeena uga yimaada wadamada dibada maadaama oo sannad kasta ay lacag aad u badani inaga baxdo inagoodalkeena kala soo bixi karna cunta ay dadkeenu cunaan.

Wasiirka qorshayntu waxa uu sidaa ka sheegay hadal dheer uu ka jeediyey ku lan k u saabsanaa soo bandhigida dalagyada wadaniga ah iyo muhiimada ay ummada u leeyihiin, kaas oo ay soo qaban qaabiyeen ururka beerha ee (MADO) kana dhacay huteelka Ambaasatoor ee magaalada Hargeysa.

Wasiirka qorshaynta oo ka hadlaya qorshaha xukumada ee xagga isku filnaasha dalkeena ee xagga cuntada ayaa waxa uu yidhi “Haadnu nahay xukumadda Somaliland ee maanta talada dalka haysaa waxaanu wadnaa siyaasad ku saabsan qorshe ah in aynu wadan ahaan iskaga filanaano xagga cuntada ariintaasina meel fiican bay noo maraysaa. Dhawaana Ishaa’alaa guul abynu ka gaadhi doonaa.” Wasiirku mar uu ka hadlaayey heerka uu maanta dalkeenu ka joogo xaga wax soo saarka cuntada waxa uu yidhi “Dalkeenu maanta waxa uu xagga cuntada iskaga filan yahay qiyaas ahaan 12.5%. boqolkiiba laba iyo toban iyo nus oo kaliya. heerkaasina runtii waa mid aadu hooyeeya runtii haddana waxaad moodaa in aynaan u arkin dhibaato badan.”

Wasiirku waxa uu sheegay in dalalka ay maanta cuntadu inaaga timaadaa ay joojin karaan haddii ay doonaan sidaa daraadeed loo baahan yahay in laga gaashaanto. Wasiirku isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Dunida maanta dadku aad buu ugu badanayaa. Dhulkii wax laga beeri jirayna aad buu u tayo daraayanayaa. Markaa waxa dhici karta in bari dhaw cunaha laysku qabto oo wadamada qaar yidhaahdaan waxba ma dhoofinayno, sidii uu ruushku bari dhawayd sameeyey oo uu yidhi qamandida dhoofin mayno.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay dadaalka uu ay maanta wadamo badan oo adduunka ahi ugu jiraan sidii ay iskaga filnaan lahaayeen xagga cuntada. Isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi “Maalin baa waxaan jaraa’idka ku arkay Japan oo qaylinaya iaygoo leh heerkii isku filnaasha ee xagga cuntada ee dalkooda ayaa waxa uu gaadhay 40% iyagoo u arkaayey in ay tahay masiibo ku dhacday iyo hoos u dhac wayn oo ku yimi heerkii iskufilnaansha cuntada ee dalkooda.”

Wasiirku waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii ay dal ahaan horu mar dhica wax soo saarka ah ugu talaabsan lahayn si aynu u gaadhno isku filnaansho xagga cuntada ah dhawaan.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa