“Masuul Tartamayey oo hadhay oo qabyaalad wax ku raadinaya oo qabiil dabada gelinay”

“Haay’adaha Ammaanku Way ku filan yihiin sugidda ammaanka”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa sheegay inaanay cafiyi doonin Ragga Saraakiisha ah ee hogaamiya Kooxda Al-shaab ee dhalsho ahaan ka soo jeeda Somaliland, isaga oo xusay inay cidda ay cafiyi karaan yihiin dhalinyarada oo uu tilmaamay inay yihiin qaar la khalday.

Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo maanta u waramayay Idaacadda VOA-da ayaa waxa kale oo uu sheegay inay amaanka Somaliland heegan geliyeen oo ay isu diyaariyeen sidii ay ula dagaalami lahaayeen cidii wadda falal amni darro ah, isla markaana aanay cidna uga haybadaysanaynin taasi, waxaanuu xusay inay qabteen Xubno kooxda Al-shabaab ka tirsan oo ay ku qabteen Magaalada Laascaanood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo atrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Guud ahaan Somaliland waa dal soo jiray muddo ka badan Labaatan Sanno oo intaasba ay nabad gelyadiisu ay koraysay oo ay halkii ugu wanaagsanayd ayey maraysaa, Hay’adaha Amaanka Somaliland way dhisan yihiin, Dawladda Ingiriiskuna waxa weeyaan mid Somaliland siisa dhaqaale ay kaga taageerto dhinaca amaanka, waanay dhacdaa mar mar in Hay’adaha war doonka ee UN-ku ay helaan war aanay haynin Hay’adaha Somaliland, waxaanu iska kaashan jirnay taas, markaa Somaliland iyo Hay’adaha amaanka dalka midna kala may soo xidhiidhin, waxaanay ballan qaadeen inay muddo afar cisho gudohood ah ay kaga soo jawaabi doonaan oo ay u tegi doonaan wefti ka socda Somaliland, Hay’adaha amaanka Somaliland way ku filan yihiin sugidda amaanka iyo amaanka Ajaanibka dalka ku sugan, Faysal waxaan u sheegayaa inuu waxa uu sheegayo xaqiiqada jirta, Dawladdii hore ee uu tan maanta jirta bar bar dhigayana waxa dhacay ma jiraan oo dawladii hore qaraxyo ayaa dhacay.

laakiin tan wax dhacay ma jiraan cid ajaanib ah oo la afduubayna ma jirto, markaa Faysal waxaan leeyahay horta war raadi oo xaqiiqada jirta ogow, dalkuna waa dal dhismaya oo koraya, ciidanka booliskana ma aha inuu dhaliilo e waa inuu amaanaa, dawladda ingiriiskana inaanu six un ugu jawaabno ma doonayno ee waa inaanu nidhaahnaa side ayey wax u dhexeen, mudaharaadkana waxa samaynayey shacabka oo sheegayey in amaanku yahay mid buuxa, waxaanan jeclaa Faysalow inaad taas tidhaahdo odayaasha dalka ayaad ka mid tahaye waa guul ayey ahayd.”

Wasiir Duur mar uu ka hadlayey Al-shabaabta firxadkeeda waxa uu yidhi “Waxa hubaal ah in Al-shabaab lagaga adkaaday Dagaalkii koonfurta Somalia, Dagaal ayaanu kula jirnaa inaanay suura gal noqon inaanay Al-shabaab usoo guurin Somaliland, waxaanyAl-shaab ka faa’iidaysataa meelaha aanay maamulku ka jirin, waxaynu ognahay goobaha Somaliland Xudduudeeda ka mid ah ee aan laakiin Maamulku gaadhin, meelahaas oo ah Bariga Sanaag ee iga Xudduudda aanu la leenahay Puntland oo ah Maamulkaasna Xadkiisii inay meelahaas isku urursanayaan Xubno Al-shaabaan ah oo ka soo haajiray Koonfurta Somalia, taasna si wayn ayaanu ula soconaa oo waxaanu rajaynaynaa Puntland iyo Somaliland-ba inaanu ka wada shaqayno, waa u halis ama waa u cadaw in Al-shaabaab ay halkaas xarumo cusub ay ka samaysato, taasna taxadirkeeda ayaanu qabnaa, runtiina Hawl gallo aad u ballaadhanna waanu qabanay oo Laascaanood ilaa Sideed qof oo Al-shabaab ka tirsan ayaanu ku qabanay oo dilaalna fuliyey qaarna ay gacanta kula jiraan, meelaha kale ee dalkana dad badan ayaa hadh iyo habeenba la qab qabtaa, mana soo bandhigno oo waxan ayaanu qabanay ma nidhaahno oo waa masuulayaddayadii, laakiin hawl galladu hadh iyo habeenba way socdaan, taasna taxadirkoodana waanu leenahay”

Wasiir Duur waxa kale oo uu ka hadlay Cafiskii uu hore u sheegay inay u fidinayaan xubnaha Al-shabaab ku jira ee Somaliland u dhashay waxaanuu yidhi “Dhalshada Somaliland kumaan koobin ee waxaan sheegayaa waa dadka caruurta ah ee la duufsaday, Xubnaha Somaliland u dhashay ee Al-shabaab ku jira waxa ka mid ah Hogaamiyeyaal waaweyn oo Hogaamiyeyaasha Al-shabaab ee ugu caansan waxay ka soo jeedaan Somaliland, markaa intii Dunida dambi ka gashay marnaba cafiyi mayno, laakiin sida Somalia ama aduunka kale ka dhacda waxa jira dhalinyaro aan garaadkoodu ku filnayn oo la khalday, kuwaas oo ay waalidkoodna garab socdaan inay gacanta ka soo qabtaan, markaa kuwa aanu u jeednaa waa kuwaas dhalinyarada ah, markaa ma aha kuwa ku can baxay dambiile nimada iyo hogaamiye nimada Al-shabaab oo waanu kala saaraynaa labadaas, inaanu amaankayaga sugnaan ma aha mid aanu cidna abaal kaga doonayno”

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale Duur oo ka hadlayey dhibaatooyinkii ka dhashay Doorashadii deegaanka waxa uu yidhi “Masuuliyiintii tar tamayey Doorashadii Deegaanka Somaliland, ayaa u adeegsaday qaab qabyaalad ah oo dhibku taas ayuu ka dhashay, eeduna waxa weeyaan Masuul tar tamayey oo hadhay oo qabyaalad wax ku raadinaya oo qabiil dabada gelinaya, waana dhibaatooyinka Haysta Somaliland, mana aha in Masuul urur dhacay uu magiciisa sheegto ceeb ayey ku tahay”

Somaliland.Org/Hargeysa