Madaxweyne Siilaanyo Oo Magacaabay Taliye Ku Xigeenadda Labaad ee Booliska Iyo Asluubta

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa magacaabay Taliye ku xigeenadda labaad ee Ciidammadda Booliska iyo Asluubta.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu caawa digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-1554/022013 ku magacaabay taliye ku xigeenka labaad ee booliska JSL iyo Taliye ku xigeenka labaad ee Ciidanka Asluubta JSL.
MADAXWEYNUUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee xarafka (d) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Ahmiyadda ay Ciidanka Booliiska iyo Ciidanka Asluubtu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL iyo Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL;

Markuu Tixgeliyey: La-tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

1. In Mudane, Daahir Cali Wacays, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Booliiska JSL.
2. In Mudane, Cali Cumar Axmed, laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliye Ku-xigeenka Labaad ee Ciidanka Asluubta JSL, ahna La Taliyaha Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka.”

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com