Haweenka Reer Somaliland ee Bristol Oo Lacag Ugu Deeqay Dib u dhiska Madaarka Burco

Bristol (Somaliland.Org)- Gudoomiyaha gobolka Tog-dheer, Cabdo Axmed Aayar, oo ku sugan dalka Ingiriiska ayaa ka qayb galay kulan jaaliyada gobolka Tog-dheer qaadhaan ugu ururinayeen madaarka magalada Burco gobolka Tog-dheer kaasi oo aan muddo shaqayn.

Munaasibadan oo ahayd si aad ah loo soo agaasimay, waxa ka soo qayb galay dadwaynaha reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada Bristol, jaaliyada haweenka gobolka Tog-dheer, gudoomiyaha gobolka Tog-dheer Cabdoo Axmed Aayir
.
Gudoomiyaha gobolka Tog-dheer Cabdoo Axmed Aayr. Oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa u balan qaaday in xaagag soo socda si rasmiya madaarka magaalada Burco loo furidoon isla markaana ay ka soo dagi doonaan dadwaynaha gobolada Bari ee ku dhaqan dunida daafaheeda, waxaanu gudoomiyuhu ka gudoomay jaaliyada aduun dhan toban kun iyo sided boqol oo gini oo lagu taageerayo dhismaha madaarka magaalada Buro gobolka Tog-dheer, waxaanu yidhi “waxaan idiin sheegayaa gaar ahaan jaaliayada hgobolka Tog-dheer iyo intiina danaysa gobolada bariga in si toosa ay uga soo dagi doonaan madaarka magaalada Burco xagaaga soo socda oo aan wakhti fog ahayn.

waxaan idiin sheegayaa inaanay suuro galayn hadaan garabka laysku qabsan, hadaan gacmaha laysku qabsan oo garab laysku siinin inaanaysuuro gali karaynin, run ahaantii waxa suuro galiyey awooda dowladeed oo rabitaankeedu yahay inay suro galiso in madaar Burco dhismo”.

Gudoomiyaha haweenka jaaliyada gobolka Tog-dheer, ayaa badhasabka gobolka T0g-dheer ku wareejisay kharash dhan toban kun iyo sided boqol oo gini oo lagu taageerayo dib-u-dhiska madaarka magaalda Burco gobolka Tog-dheer, waxay tidhi “gudoomiye Cabdoo, badhasaabka Tog-dheer iga gudoon lacagtan cadakeedu yahay toban kun sided boqol oo gini, (10,800).”

Somaliland.Org/Hargeysa