Dibad-bax Lagu Naqdiyay Go’aankii Ingiriiska oo ka dhacay Burco

HARGEYSA (Somaliland.Org)-Dadwaynaha ku dhaqan Magaalo Madaxda gobolka Togdheer ee Burco ayaa maanta dhigay Dibad-bax balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan dhawaaqii Ingiriisku kaga digay xasiloonida Somaliland.

Dadwaynahan oo badankoodu ku labisnaa isla-markaana sitay calanka Somaliland, ayaa waxay ku dhawaaqayeen weedho ay kaga soo horjeedaan dhawaaqa dawladda Ingiriiska, kuna muujinayaan jiritaanka iyo madax-banaanida Somaliland oo ay ku tilmaamayeen inay tahay mid muqadas ah oo aan cidna loo daba fadhiisanayn.

Dadwaynahan oo tiradoodu dhowr kun oo qof ahayd, ayaa waxay socod ku mareen jidadka Magaalada Burco, iyagga oo markii dambana isugu soo biyo shubmay fagaaraha beerta xoriyada ee Magaalada Burco, halkaasi oo ay kala hadleen Masuuliyiinta Gobolka Togdheer oo uu ka mid yahay badhasaab ku xigeenka Gobolkaasi Mr Ubaxle, waxa kale oo dadwaynaha khudbado u jeediyay qaar ka mid ah waxgaradka Gobolkaasi iyo Guddoomiyaha guddida horumarinta Togdheer.

Dadwaynaha oo ay dareenkooda ka muujiyey sida ay uga xun yihiin dhawaaqa amni daro ee dawladda boqortooyada Ingiriiska, ayaa sidoo kale waxa la hadlay Maayarka cusub ee Magaalada Burco, waxayna dhammaan masuuliyiintaasi shacabka reer Burco uga mahad-celiyeen sida ay isugu soo baxeen ee ay u muujiyeen shucuurtooda Waddanimo.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.org/Hargeysa