Maamulka Jaamacadda Camuud Oo Qaabiley Wefti ka socday Qarramadda Midoobay

Boorame (Somaliland.Org)-Xafiiska adeega sharciga ee Jaamacadda Camuud ayaa maanta qaabilay wafdigii ugu heerka sareeyay ee ka socda UN-ta kaasi oo soo gaadhay magaalada Boorama, ujeedada wafdigan ayaa lagu micneeyay inay tahay mid salka ku haysa sidii ay u soo indha-indhayn lahayeen mashaariic dhinaca adeega sharciga ah oo ay maalgaliyeen oo ay Maamacadda Camuud gacanta ku hayso.

Somaliland: Barnaamij La Xidhiidhka ka Faa’iidaysiga Ilayska Qoraxda Oo La Hirgeliyay

Hargeysa (Somaliland.Org)-Mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa habeenimadii Xalay ka qayb galay munaasabadda Barnaamijka Daahfurka ka faa’iidaysiga Ileyska Qoraxda oo ah mid ay iska kaashanayaan Jaamacadda Golis iyo Company-ga Qorrax Energy oo saldhigiisu yahay Dalka Maraykanka. Munaasabadda oo lagu qabtay Hotel Safari ee Magaalada Hargaysa ayna ka qayb galeen mas’uuliyiin ay ka mid ahaayeen wasiirka wasaaradda […]

Shirkadda Oman Oil International Oo Xarun Ka Furatay Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiir ku xigeenka hawlaha Guud iyo Guriyeynta Md. Cali Cabdi Saa’iq, ayaa maanta magaalada Hargeysa ka furay xarun ay ku yeelanayso dalka shirkadda Oman Oil International Company. Munaasabadda furitaanka Xaruntan oo ka dhacday Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa ka soo qayb galay Agaasimaha Guud ee wasaarada duulista iyo Hawada Axmed Dalal Faarax, […]

Maamulka Degmadda Cadaadlay oo Fuliyay Olale Lagaga Hortagayo Gumaadka dhirta qoyan

Cadaadley (Somaliland.Org)-Qaybaha kala duwan ee hay’adaha maamulka ee Degmada cadaadley ayaa mudadii 24-ka saacadood ahayd ee u dambaysay qaaday olole balaadhan oo lagaga hortegayo goynta dhirta iyo gubitaanka dhuxusha isla markaana lagu daryeelayo deegaanka iyo bii’addiisa. Gudoomiyaha Degmada cadaadley Md Muuse Maxamed Magan oo isagoo ku sugan deegaankaasi manta u waramay wakaaladda wararka Somaliland ee […]

Wasiirka Beeraha Oo warbixin dheer oo waxsoosaarka dalka ku saabsan ka horjeediyay Guurtida

Hargeysa (Somaliland.Org) – Wasiirka wasaaradda beeraha Somaliland Prof. Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoole) ayaa ganacsatada dalka ugu baaqay in ay gacan ka siiyaan sidii loo sii fidin lahaa mashruucii ay wasaaradda beeruhu dalka kaga beertay bariiska, kaas oo ay madaxda wasaaraddu sheegeen in lagu guulaystay tijaabadii beeristiisa loona baahan yahay in dalka oo dhan la wada gaadhsiiyo si ay dadkeenu u cunaan, loogana maarmo bariiska inooga yimaada wadamada dibada.

Wefti Ka Socday Dawladda Kuwayt Oo Socdaal ku yimid Somaliland

Hargeysa (Somaliland.Org)- Wasiirka wasaarada dib-u-dajinta, Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye) iyo masuuliyiin ka tirsan xukuumadda ayaa soo dhaweeyay wefti ka socda dalka Kuwait oo socdaal dalka ku yimid. Weftigan ayaa maanta ka soo dagay madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa waxa hogaaminayay Sh.Fahad Maxamed Shaamiri, waxaanay isla maantaba soo kormeereen xarun darbi jiifka loogu tallo-galay […]

M/Ku xigeenka Oo shahaadooyin Gudoon siiyay 87 xubnood oo ka qalin jabiyay Machadka dawladda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane ‘Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici’’ ayaa maanta 87 xubnood oo ka qalin jabiyey Machadka shaqaalaha Dawlada shahaadooyin ku gudoonsiiyey Hoteel maansoor ee Magaaladda hargeysa, isla markaana halkaas kulan hawleed ugu furay sodon xubnood oo ka kala socday shaqaalaha Komishanka Qaran ee ka hortaga Xanuunka Aydhiska iyo Hay’adaha xidhiidhka wada shaqaynayd ay leeyihiin.

Mid ka mid ah Beelaha Sanaag bari oo Cilaaqaadkii u goysay Maamul goboleedka Puntland

Badhan (Somaliland.Org)- Beesha Xuseen Ciise oo ka mid ah meelaha waaweyn ee Sanaag bari, ayaa shalay go’aamo ka soo saaray shir aayo ka tashi ah, oo muddo uga socday magaalada Gumar oo 60 km dhinaca bari kaga beegan magaalada Badhan, waxaanay daboolka ka qaadeen inay kalsoonidii kala noqdeen maamul goboleedka Puntland, isla markaana ay si buuxda u taageereen inay wax la qabsadaan dawladda Somaliland.