Beelaha La hayb sooco iyo Haweenka Oo Ku Diirsaday, Soona dhaweeyay Baaqii Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Somaliland.Org)-Kulan ballaadhan oo ay isugu yimaadeen xubno ka socday ururada Haweenka iyo Beelaha la hayb sooco, kana qabsoomay Xarunta Ururka Haweenka ee Nagaad ee magaaladda Hargeysa ayaa waxa ay ku taageereen Baaqii Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo mar labaad kaga dalbaday Golayaasha sharci dejinta inay ansixiyaan Kootadii loo qoondeeyey Haweenka iyo Beelaha laga tirade badan yahay.

Agaasimaha fulinta Gaboodka Nagaad Marwo Nafiisa Yuusuf oo Ugu horayn kulanka ka hadashay waxay mahad-naq u jeedisay madaxweynaha JSLand Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo,sida fiican ee uu mar-labaad golayaasha sharci dejinta uga codsaday inay ansixiyaan kootada loo qoondeeyay Haweenka iyo Beelaha laga tira- badan yahay. Waxaanay golayaasha sharci dejinta ka codsatay inay u tix-geliyaan kootadaasi loo qoondeeyey.

Boqor Axmed Ugaas Iimaan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay,in tobankii sano ee u danbeeyey ay beelaha la hayb soocaa ka maqnaayeen golayaasha ,iyaga oo doorashooyinkii kala danbeeyey markii ay is-tijaabiyeena ay ku soo bixi waayeen sababo xaga dhaqaalaha iyo degaanka aw-geed.

Boqor Axmed Waxa uu intaa raaciyey inay si weyn ugu diirsadeen khudbadii madaxweynuhu shalay ujeediyey Labada Gole Baarlamaan.

La taliyaha Madaxweynaha ee arimaha bulshada Mud, Barkhad Jaamac Xirsi,oo halkaasi ka hadlay ayaawaxa uu sheegay, in isku xidhnaan la’aanki ka muuqato haweenka iyio Beelaha laga tirade badan yahay, loona baahan yahay in dedaal dheeraad ah ay galaan si loo ansixiyo kootada loo qoondeeyay.

Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay Maxamed Axmed Barawaani iyo Gudoomiyaha Dallada Nafis.

Somaliland.Org/Hargeysa