Xukuumada Oo Ka Hadashay Markab Siday Shidaal Oo Dib Looga Celiyay Dekada Berbera

Berbera (Somaliland):-Maamulka Dekeda Berbera ayaa la sheegay in ay Isniintii toddobaadkan Dekeda ka celiyeen markab la sheegay in uu siday shidaal wasakhaysan oo muddo ku xidhnaa Dekeda Berbera sida uu noo xaqiijiyay Maareeyahay Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Md Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine) oo ku sugan magaalada Berbera.

Waxaanu sheegay maareeyuhu in sababta ay markabkaasi iyo shidaalka uu siday oo ahaa naafto dib ugu celiyeen halkii uu ka yimid ka dib markii baadhitaan ay ku sameeyeen shidaalka uu siday markabku ay ku ogaadeen in uu wasakh leeyahay shidaalku, Sidaasina ay ku go’aansadeen in aan lagu shubin haamaha kaydka ah. Isaga oo arrimahaas sharaxayana Waxa uu yidhi “Markabkaasi shidaal buu siday naafato ah, waxaanu ka yimid magaalada Dubaay, waxaana lahayd shirkadihii awalba keeni jiray mid ka mid ah, waxa caado ah in aanu Jabuuti u dirno calaamad si loogu soo baadho shaybaadh tayada shidaalka maadaama aynaan haysan qalabka lagu baadho shidaalka”.

Waxa kale oo uu maareeyaha dekada Berbera intaasi ku daray in ka dib markii ay ogaadeen in aanu shidaalkaasi wanaagsanayn ay go’aan sadeen in lagu celiyo halkii markii hore laga keenay “Dabadeedna shaybaadhka Jabuuti oo ah Ingiriis ayaa soo sheegay in aanay tayadiisu fiicnayn, sidaas ayaana lagu celiyaya” ayuu yidhi Md shiine.

Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Berbera Md Cismaan Cabdi Barkhadle (Shiine), waxa kale oo uu sheegay in markabka shidaalkaasi siday laga lahaa dalka isu-taga Imaaraadka carabta halka shidaalka uu sidayna ay lahaayeen ganacsato reer Somaliland ah, waxaanu yidhi “Imaaraadka ayaa laga lahaa, shidaalkana waxaa lahaa ganacsato reer Somaliland ah”. Waa markii u horaysay ee maamulka dekada Berbera ay dib u celliyaan markab sida shidaal ay leeyihiin ganacsato reer Somaliland ahi.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com