Wasaaradda Caafimaadka oo ka hadashay Qaliino Bilaash ah oo Laga bilaabayo Cisbitaalka Hargeysa

Hargaysa (Somaliland.Org):- Wasiir ku xigeenka caafimaadka Somaliland Nimco Xuseen Qawdhan ayaa shacabka Somaliland gaar ahaan dadwaynaha ku dhaqan gobolka Maroodi-jeex ugu baaqday inay ka faa’iidaystaan dhakhaatiirta ku sugan cisbitaalka guud ee Hargeysa, kuwaasi oo ay sheegtay in ay si tabaruca uga daaweyn doona caruurta u baahan qaliinada faruuryaha.

Wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka oo maanta shir jaraa’id ku qabatay xarunta cisbitaalka Hargeysa oo ay ku wehelinayeen Agaasimaha cisbitaalka Hargeysa, Gudoomiyaha hay’ada maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa Axmed Muxumed Madar iyo xunbo ka tirsan gudida cisbitaalka Hargeysa.

Nimco Xuseen Qawdhan, oo arrimahaas ka hadlaysaana waxay tidhi “howshani waa mid inagu cusub oo maanta (shalay) inoo bilaabantay oo aan hore loogu arag cisbitaalada, waxa inoo yimid dhakhatiir ajnabi ah waanu oganahay oo dadkeenu danyar ayay u badan yihiin oo awoodi Karin cida ay u dhashaan caruur faruuran dhakhtar dibadeed ayaa la geeyaa, markaa waxaan ugu bushaaraynayaa dadwaynaha Somaliland haday yihiin kuwa ku dhaqan gobolada iyo kuwa ku dhaqan caasimada inay ka faa’iidaystaan howlaha qaliin ee lacag la’aanta ah oo ay fulinayaan dhakhaatiir ajnabi ah”.

Waxa kale oo ay wasiir ku xigeenku sheegtay in cusbitaalka guud ee Hargaysa ay ka socdaan hawlo badan oo horumarin ah iyada oo xustay in ay ku dadaalayaan sidii ay bulshadu adeeg dhamays tiran oo caafimaad uga heli lahaayeen cusbitaalka guud.

“runtii howlo badan oo horumarin ah ayaa cisbitaalka Hargaysa ka socda oo aan odhan karo cisbitaalku meel la taaban karo ayuu gaadhay, waxaan dhamaantayo u heelanahay sidii bulshada reer Somaliland cisbitaalka uga heli lahaaayeen adeeg waanaagsan”. Ayay tidhi marwo Nimco.

Agaasimaha cisbitaalka guud ee Hargeysa Dr. Axmed Cumar Askar, oo isna halkaais ka hadlay ayaa dhankiisa ugu baaqay in bulshada Somaliland ka faa’iidaystaan fursadahan qaaliga ah ee dhakhatiirta ajnabiga ahi ka bilaabayaan cisbitaalka guud ee Hargeiysa, waxaanu tilmaamay inay dad badan ay qaliinada noocan oo kale ah (qaliinka faruuryaha) dibada u tagi jireen, bal se ay hada nasiib u heleen in cisbitaalka Hargeysa dhakhaatiir ajaaniba si tabaruca uga fulinayaan hawlahaasi qaliinka faruuryaha.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com