Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Ku Baaqay Hindise ka dhan ah xubinimadda Midowga Yurub

London (Somaliland.Org)- Raiisul Wasaaraha Britain, David Cameron ayaa ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.

Isaga oo ku jiray khudbad in muddo ah la sugayay ayaa waxa uu Mr Cameron sheegay in codbixintu ay noqon doonto waan ka mid ahaaneynaa iyo waan ka baxaynaa, isla markaana la qaban doono dhammaadka sanadka 2017.

Waxa uu sheegay in taasi ay raaci doonto in dib looga wada xaajoodo shuruudaha xubinimada Britain.
Mr Cameronwaxa uu ku nuuxnuuxsaday in aanu ahayn mid Britain gooni u saaraya, laakiin uu doonayo xiriir Britain ku haya Midowga Yurub.

Waxa uu sheegay inay jirto kala fogaansho sii koroya oo u dhexeeya Midowga Yurub iyo dadka u dhashay, taasi oo laga dareemayo dalkan Britain.
Mr Cameron waxa uu sheegay in la gaadhay xilligii dadka British-ku ay aragtidooda ka dhiiban lahaayeen, maadaama buu yidhi ay ujeedadii guud ee Midowga Yurub ay wax iska bedeshay tan iyo markii la aasaasay.

Xigasho: BBC-Somali