Maayarka Cusub ee Hargeysa oo Soo Bandhigay Hawl-maalmeedkooda Boqolka maalmood ee u horeeya

Hargeysa (Somaliland.Org)- Duqa Caasimada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, ayaa ka hadlay qorshaha wax-qabadka boqolka maalmood ee ugu horeeya golahooda deegaanka cusub ee Hargeysa, kaasi oo uu xusay in habsami u fulinta qorshahaasina ay ku xidhnaan doonto hadba dakhliga soo gala iyo sida ay dadweynuhu u bixiyaan cashuuraha ku waajibay.

Maayarku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxa uu carabaabay in mudanayaasha golaha deegaanka loo qaybiyey guddi hawl-leedyo kala duwan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin,Guddiga dhulka, guddiga caafimaadka iyo guddiga bulshada, waxaanu intaasi ku daray inay tahay tallaabo sah-laysa xil-gudashada howl-maalmeedka mudayaasha golaha deegaanka.

Duqa caasimada Eng. Yusuf Warsame Siciid, wuxuu sheegay, in qorshayaasha uu doonayo inuu fuliyo boqolka maalmood ee ugu horeeya hawl-gudashadooda ay ka mid tahay sidii looga caawin lahaa taraafikada culayska sax-madda magaalada , waxaanu xusay in qorshahoodu yahay sidii loo dhamays tiri lahaa Jidka boqol iyo kontonka ee caasimada si loo yareeyo Sax-mada gaadiidka ee magaalada gudaheeda.
Duqu waxa uu intaa ku daray in Golahooda ay ku jiraan Rag badan oo dhalin yaro ah oo shaqadana aqoon wanaagsan u leh,doonayana inay umnadooda u adeegaan. Waxaanu tilmaamay inuu u arko hawlaha miisaanka leh ee bulshadu uga fadhido golahooda.

Yusuf Warsame Siciid, waxa uu tafaasiil ka bixiyey maamulkii shaqo ee ay la wareegeen, waxaanuu xusay inay dedaalayeen,waxna ay qabteen, hase ahaatee waxa uu sheegay in ay la kulmeen godaloolooyin dhinaca maamulka ah,taasoo mudadii ay hadda joogeen ay ku jireen habaynteeda

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com