Lix Maxbuus Oo Lagu soo Qabtay dagaalkii Xudun Oo caawa La Geeyay Cisbitaalka Burco

Burco (Somaliland.Org)- lix Maxbuus oo ka tirsan Maleeshiyadda Nabad diidka ah ee Khaatumo-seeg ayaa caawa Fiidkii la keenay Xabsiga Dhexe ee magaalada Burco.

Waxa la sheegay inay maxaabiistani yihiin kuwo ay ciidammadda Qaranka ee fadhigoodu yahay degmadda Xudun ee gobolka Sool ay ku soo qab-qabteen dagaal gaadmo ah oo salaasadii ay maleeshiyadda nabad diidka ah ee khaatumo ku soo qaadeen ciidamada qaranka ee jiidaasi kuwaasi oo Ciidanka qaranku adhaxda ka jabiyeen isla markaana ay baacsadeen masaafo dhan 40Km.

Geesta kalena wararka naga soo gaadhaya Degaanka Xudun ee Gobolka Sool ayaa tilmaamaya in maanta xaaladda Degaankaasi ay deganayd isla markaana ay ciidamada qaranka ee Somaliland ay guud ahaan-ba si balaadhan u sugeen amaanka deegaankii iska horimaadku ka dhacay.

Ciidanka qaranku waxay dagaalkaasi kooxdan nabad diidka ah kaga soo furteen laba baabuur oo tikniko ah, hal baabuur oo xamuulla iyo maxaabiis gacanta lagaga dhigay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com