Guddoomiye Baashe Oo Jawaab Ka Bixiyay Eedo Ka soo yeedhay Xildhibaano Wakiiladda ah

Hargeysa (Somaliland.Org) Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku gacansaydhay Eedo ay shirguddoonka Golaha wakiilada u soo jeediyeen guddi-hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golahaasi oo shalay xubno ka mid ahaa ku dhawaaqeen inay iska casileen xilkii guddidaasi.

Baashe Maxamed Faarax, oo shalay warbaahinta ugu waramay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horayn shacbka Somaliland ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistee xildhibaan Aadan Tarabi Oogle oo ahaa guddoomiyaha guddi-hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee golaha wakiilada oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

waxaanu sheegay Md Baashe in xubnahaasi ka tirsan gudi-hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka oo ka kooban sagaal xubnood afar xubnood oo ka mid ahi iska casileen, waxaanu is casilaada xubnahaasi ku tilmaamay in ay keentay khilaafaad muddooyinkanba ka dhextaagnaa gudidaasi.

Isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “gudi-hoosaadka golaha wakiilada ee ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranku waxay ka kooban yihiin sagaal xubnood, afar ka mid ah ayaa istiqlaalad ka keenay waxa kalifay inay is casilaan khilaaf mudaba ku dhex jiray guddidaasi oo ay xildhibaanada qaar lahaayeen guddidu mashaqaynayso, dalbadayna in xildhibaano kale lagu soo bedelo xubno ka mid ah gudida”.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada ayaa tilmaamay in dalabka xildhibaanada ka tirsan gudi hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaran ee ahaa in xubno ka mid ah guddida laga bedelo in dalabkaasi aanu sharciga golaha waafaqsanayn isla markaana marka gudiyada la isku bedelayo uu shirguddoonku isku bedelo.

“sida sharcigu yahay marka guddiyada la isku bedelayo shirgudoonka ayaa isku bedela, waa caadi haddii ay xildhibaanadu yidhaahdeen guddidu ma shaqaynayso, waxaanan ku talo jirnaa in aanu guddiyada isku bedelno gudiyo kale ayaana lagu bedealayaa” ayuu yidhi Md Baashe.

Md Baashe waxa kale oo uu ka hadlay eedaha iyo dhaliilaha beryahan danbe loo soo jeediyo golaha wakiilada ee la xidhiidha in goluhu si daba furan ah u ansixiyo xeerarka loo soo gudbiyo iyo sidoo kale in in goluhu xukuumada la shaqeeyo, waxaanu yidhi “Hadalkaasi iyo eedahaasi waxba kama jiraan, golaha wakiilada xukuumadu ma xukunto, guluhuna wuu madaxbanaan yahay, shirgudoonkuna fadhiga ayuu hagaa xildhibaanada ayay u taalaa in ay duuduub ku ansixiyaan iyo in qodob-qodob loo ansixiyo anagu iyaga ayaanu waydiinaa, iyagana sidaa doortay”. Ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee galaha wakiiladu.

Md Baashe isaga oo faah-faahin ka bixinaya qaabka uu golaha wakiiladu u maro xeerarka ansixintooda iyo cida leh awoodaha soo gudbinta xeerarka waxa uu yidhi “goluhu shuruuc ayuu leeyahay, shuruucda qaarna waxaa soo gudbisa xukuumada qaarna golaha ayaa curiya xukuumadu m arka ay soo gudbiso waxaa loo keenaa shirgudoonka, shirgudoonkuna wuxuu u gudbiyaa gudi hoosaadka arrintaa ayaanay golaha ku soo celiyaan, ka dibna golaha ayaa ka dooda, marka laga doodo ee ay doodu dhamaato xildhibaanada ayaa la waydiiyaa in qodob-qodob loo ansixiyo iyo in duuduub loo ansixiyo, xildhibaanada ayaanay u taalaa inay yidhaahdaan qodob-qodob ha loo ansixiyo ama duuduub, cod ayaa la geliyaa, codku meesha uu maro ayaana la qaataa”.

Xubnahan ka tirsanaa guddi hoosaadka ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka golaha wakiilada ayaa is-casilaadooda ku sababeeyay in shir guddoonka golaha wakiiladu hor is taagay baadhitaan ay dalbadeen in lagu sameeyo guddidooda.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com