Aqoonsiga Mareykanka ee Muqdisho ma aha wax u Yaal Somaliland

Qaranimadda Somaliland waa mid soo jireen ah, mana aha mid maanta dhalanaysa, waxayna ka mid ahayd dawladihii curadka u ahaa Afrika ee xorriyadda qaatay sannadkii la baxay sannadkii xorriyadda Afrika.

Somaliland waxa ay xorriyadda qaadatay 26-kii Juun 1960-kii xilli ay Soomaaliya weli ku jirtay gacantii gumeysigii Talyaaniga.
Maraykanku waxa uu ka mid ahaa dhawr iyo soddon dawladood oo xilligaa aqoonsaday madaxbanaanida Somaliland, waxaaney sidaa ay Somaliland kaga mid noqotay dalalka dunida ee leh xuduudo la aqoonsan yahay.

Taariikhiyan, waxa jirtay inay afar cisho ka dib Somaliland ay la gashay Soomaaliya midaw aan la mahadin, hase yeeshee, halgan dheer ka dib, waxay Somaliland hadhcad la soo noqotay madaxbanaanideeda 18 May 1991-kii. Waxaanay ahayd labaatankii sano ee u dambeeyey Qaran jira oo aan la dafiri karin, oo iskaashi iyo wax la qabsiba la soo lahaa dalalka dunida oo uu ka mid yahay Maraykanku.

Sidaa awgeed, aqoonsiga uu maanta u fidiyey Maraykanku dawladda Muqdisho ma aha mid Somaliland ka duwaysa majarihii ay haysatay. Sida oo kale ma aha wax cusub ee Mareykanku awalba waa aqoonsanaa Soomaaliya, mana aha dawladii u horeysey ee sidaa yeesha, waana mid aan la fileyn wax ka soo kordha.

Madaxbanaanida Somaliland waxa ay soo martay marxalado badan oo adkaa oo mid waliba lahayd halisteeda iyo waayaheeda, hase yeeshee waxa ay kaga soo gudubtay isku duubni iyo isku tashi, tan maantana ma aha mid looga baqayo mareykaan iyo qayrkii toona.

Shacbiga Somaliland waxa uu ugu codeeyey dastuurkooda oo ay ku caddahay madaxbanaanida 97%, mana aha mid ay cidna uga haybadaysanayaan.

Dhinaca kale, Maraykanku haddii uu sheegay inuu u fidiyay aqoonsi diblomaasiyadeed dawladda Xasan Sheekh, ma aha arrin khusaysa Somaliland ee waa mid isaga iyo ka dhexaysa dawladddaa Xamar. waxase u egaa inuu wax iska hubsado oo aanu ku sinbiririxoon godkii uu hore ugu dhacey, kana dhursugo sida ay dabeyshu u socoto.

Ninka maanta taasi ka qeylinayana waxa aan odhan karaa waa nin aan halna jirin, waxaanan u aragnaa inuu yahay mid aan ogeyn in dalkani loo soo maray marxalado ka halis badnaa, lana filayay tani iyo kuwo kaleba inay yimaadaan, balse go’aankeeda iyo ka halcelinteeduba uu yahay wax inoo yaall, islamarkaana aan ka foojignaano hadba waayaha inala soo gudboonaada sidaan ula tacaalayno.

Waxa kale oo iyana meesha ku jirta oo aan indhaha laga qarin karin kaalinta iyo iskaashiga Qaranimada dalkani kaga jiro dunida xag amni iyo xag kaleba oo noqotay mid lagu xisaabtamo oo laysku halayn karo.

Shirweynihii London ee caalamku u dhamaa go’aanadii ka soo baxay ayaa arrintaasi ku caddeyd, waxaana meesha yaal oo indhaha lagu hayaa qodobkii dhigayay in dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya ay ka wada hadlaan xidhiidhkooda mustaqbalka, loona wada joogo.

Wada hadalladaasi oo hore u soo bilawday waa kuwo la eegayo sii ambaqaadkooda oo marayay heer la aqoonsan yahay diblomaasiyadooda, ayna dabada ka riixayaan dawlado aan la yaraysan karin.

Si kasta ha ahaatee, Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland waa mid soo jireen ah oo jirtay ka hor Soomaaliya, xilligan casriga ahna ka qaadatay xorriyadda ka hor Soomaaliya gumaystayaashii qaybsaday Afrika, mana aha mid maanta hadal la galin karo. Shacbiga Somaliland cidna uga habran maayaan Qaranimadooda iyo Dawladnimadooda. Waxaanan leenahay aqoonsiga mareykanka ee Muqdisho ma aha mid u yaal Somaliland ee waa arrin u taal muqdisho iyo mareykanka iyo siduu mar kale uga dabbaalan lahaa seymaha oodan ee Muqdisho.

Cumar Maxamed Faarax
cumarmfaarax@hotmail.com