Xukuumadda Somaliland Oo Go’aan Adag ka soo saartay Markab siday shiidaal wasakh leh

Berbera (Somaliland.Org)- Xukuumadda dhexe ee Somaliland ayaa shalay go’aan ay soo saartay ku joojisay shiidaal la sheegay inuu wasakhaysan yahay oo sida la sheegay uu siday markab maalmihii la soo dhaafay ku xidhnaa dekada Berbera.

Sidaasna waxa noo xaqiijiyay xalay ilo lagu kalsoon yahay oo kala jooga Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera. Markabkan la joojiyay ayaa la sheegay inuu siday 1500 oo tan oo Naaftoah,kaasi oo maalmihii lasoo dhaafay muran ka taagnaa in lagu shubo kaydka haamaha Berbera ka dib markii uu soo baxay warar sheegaya inuu sido shiidaal aan tayo wanaagsan lahayn isla markaana wasakhaysan.

Warku waxa uu intaasi ku darayaa in xukuumadda Somaliland ay go’aan shalay ku gaadhay inaan shiidaalkan lagu shubi Karin haamaha shiidaalka Berbera. Waxaana la sheegay in markabkaasi uu shalay ka shiraaqday Magaalo xeebeeda Berbera.

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay qaraarkan u qaadatay si loo ilaaliyo shiidaalka wadanka soo gala oo bilo ka hor gaadiidleyda iyo dadweynuhu ka cabanayeen in shiidaal tayo xumi dalka yimid. Shiidaalkan ayaa la sheegay inuu u rarnaa qaar ka mid ah Ganacsatadda soo waarida shiidaalka.

Somaliland.Org/Hargeysa