“Waxaanu Sanadkii hore Talaalay Xoolo dhan 7 Milyan,halka aanu dawaynay hal Milyan oo kale”

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Xanaanadda Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir CalI, ayaa sheegay inaanu aqoonsiga maraykanku siiyay wadanka Soomaaliya, wax dhibaato ah u keeni Karin qaranimadda Somaliland, waxase uu ku baaqay in shacbi iyo xukuumad-ba loo midoobo difaaca qaranimadda Somaliland.

Wasiirku waxa kale oo uu difaacay kalsoonida shacbi-weynuhu ku qabaan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Wasiirku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyay Tifaftiraha Guud ee shabakadda Somaliland.Org Cumar Maxamed Faarax waxa kale oo uu si qoto dheer uga war-bixiyay waxyaabihii u hirgalay wasaaradaasi sanadkii tagay.

Wasiirka Xanaanadda Xoolaha oo ugu horayn ka hadlayay qodobadii wasaaradaasi fulisay sanadkii la soo dhaafay, waxa uu yidhi “Wasaarad ahaan sanadkii tagay ee 2012-kii waxyaabo badan ayaa noo hirgelay oo ku wajahan horumarinta adeegyada xasaasiga ah ee ay wasaaraddu u hayso bulshadda. Tusaale ahaan waxaan u tallaalay xoolihii ugu badnaa oo tiradoodu gaadhayso 7 Milyan oo neef oo aanu ka tallaalay xanuunadda Susunka iyo Sababka riyaha.

Waxa kale oo aanu dawaynay xoolo dhan hal milyan oo Neef. Waxaana labadaasi barnaamij ee balaadhan aanu fulinay sanadkii hore iyadoo ololeyaal balaadhan aanu ku qaadnay illaa sadex goor sanadkii hore. Waxaana wasaaradda ka go’an inay wax ka qabato caafimaadinta xoolaha wadanka oo ah isha dhaqaale ee nolosheenu ku tiirsan tahay. Waxaan u mahad naqayaa Haay’adda FAO iyo xukuumadda Somaliland oo iska kaashaday oo midiba qeyb bixiyay dhaqaalihii aanu ku fulinay labadaasi mashruuc ee waaweyn.”

Wasiirku waxa uu tilmaamay inay kal-hore dhiseen dhismeyaal iskugu jira xafiisyo iyo goobo xoolaha lagu caafimaadiyo oo ay ka hirgeliyeen magaalooyinka Daarasalaam, Sallaxley, Bali-gubadle, Dhoqoshay, Wajaale, Dururuqsi , Faro-weyne iyo deegaamo kale. Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa uu sheegay Inay Gaadiid wareega oo ka shaqeeya daryeelka xoolaha u iibiyeen goboladda Tog-dheer iyo Sool.

“Waxa kale oo aanu sanadkii 2012-kii shaqaalaysiinay 30 dhakhtar oo ka soo baxay Jaamacadaha wadanka gaar ahaan kuwii ka soo qalin jabiyay kulliyadda culuumta xoolaha Sheekh. Waxa intaasi dheeraa inaanu jaamacad ku taalla dalka Uganda u dirnay 5 dhakhtar oo ka mid ahaa dhakhaatiirtii xoolaha ee ka soo baxay Kulliyadda caafimaadka xoolaha ee Sheekh, waxaanay sii korodhsanayaan aqoontoodii, waana mid wasaaraddu aad ugu faraxsan tahay,”ayuu yidhi Wasiirka Xanaanadda Xooluhu.

Dr. Cabdi Aw-Daahir waxa kale oo uu intaasi ku daray in ay 25 dhalinyaro ah oo ka mid ahaa ardaydii ka soo baxday dugsiyadda sare ay sanadkii tagay tababar la xidhiidha saxadda hilibka u fureen , si ay uga qeyb qaataan dedaaladda wasaaraddu ugu jirto in bulshadu hesho hilib wanaagsan saxo ahaan.

Wasiirka Xanaanadda Xooluhu waxa uu sheegay inay sanadkii tagay wasaaraddu ku guulaysatay inay samayso xeer muhiim ah oo iskugu jira qaar, sanadkan Goleyaasha Baarlamaanka loo gudbinayo iyo kuwo Madaxweynaha horyaala, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Xeer-nidaamiyeyaasha kala ah: Xeerk a Hilibka oo madaxweynaha horyaala inuu saxeexo, halka labada xeer ee kala ah caanaha iyo xeerka daryeelka xoolahana ay xukuumaddu u gudbin doonto Goleyaasha Baarlamaanka.

Wasiirka Xoolaha oo aanu weydiinay sida uu u arko tallaabadda dawladda maraykanku ay ku aqoonsatay Soomaaliya, waxa uu yidhi “Horta Soomaaliya aqoonsigeeda iyo aqoonsi la’aanteeda waxba innagama gelin, waxay ahaayeen dal hore u jiray. Anigu aragti ahaan ma qabo inuu wax dhibaato ah innagu keenayo, waayo Somaliland masiirkeeda iyadaa go’aamisay labaatan sanadood muddo laga joogo, dawladnimadeedana waxay ku dhisatay rabitaanka shacbigeena. Waxay leenahay Ha’yadihii dawliga ahaa, Goleyaashii kala duwanaa ee ahaa dhar-dhaaradda dawladnimo. Afti qaran ayaynu dastuurkeena ku meel marinay 31kii Bishii May 2001-dii. Wax inagaga xidhani ma jiro.

Innaguna dedaalkii aynu aqoonsiga ku raadinaynay oo aan sii kordhinay waynu ku joognaa dariiqiisii waxaan ku kalsoon nahay inaynu aqoonsi caalamiya heli doono mar ay noqotaba, waxase muhiim ah inaynu sii xoojino midnimadeena iyo qaranimadeena oo aan dadka haddii shimbiri dhaqaaqdaba dadka la shaki gelin.

Waxa kale oo aanu mucaaridka ugu baaqayaa inaynaan afaf kala kaan ah ku hadlin ee aynu u midowno taabo-gelinta qaranimadeena.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com