Wasiirka Waxbarashadda Oo Socdaal Ku Maraysa deegaano ka tirsan Tog-dheer

Bali-Dhiig (Somaliland.Org):-Wasiirka wasaarada waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, iyo wefdi ay hogaaminayso oo socdaal shaqo ku maraya gobolka Togdheer iyo dagmoyinkiisa ayaa maanta gaadhay magaalada Balli-dhiig.

Socdaalkani oo ay ugu kuur galayso xaalada xarumaha waxbarashada ayay shalay wasiirka iyo weftiga ay hogaaminaysaa ku gaadheen degmada Bali-dhiig, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay gudoomiyaha degmada Bali-dhiig Cali faarax, waxaana ka warbixinyey xaalada waxbarasho ee dagmadaasi ka siiyay isu-duwaha wasaarada waxbarashada degmada bali-dhiig. waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “waftigan balaadhan ay hogaaminayaan wasiirka waxbarashada ee noogu yimi degmadan Bali-dhiig, iyagoo kormeer balaadhan ilaa min saylac ilaa baiga jamhuuriyada Somaliland ku maraayey, aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin howshaa balaadhan ed wadaan waxaana leh masuuliyada iyo xilka, aad baan idiinku mahad naqaynaa aad ayaan degmada idiinku soo dhawaynayaa”.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, oo halkaasi ka hadashay ayaa sheegatay ujeedada safarkeedu inuu la xidhiidho u kuurgalida xaalada waxbarasho ee gobolada iyo dagmooyinka dalka.

“waxaan halkaa u soo maray oo eegaynaa inaan ogaano duruufaha waxbarasho meel kasta oo ka mida Somaliland ah, waayo daruufuhu waa kala jaad qaarbaa macalimiin haysan, qaarbaa musharooyin helin oo meelo kale oo khalada ka martaa, qaarbaa dhismyaal haysan, qolo waliba duruufo gaara ayay lee dahay markaa runtii in laysku daalac-naaliso oo la eego meel walba baahideeda gaarka ah ee ay lee dahay ayaanu u soconay” ayay tidhi marwo Samsam.

Iyadoo hadalkeeda sii wadatana waxay tidhi “runtii intii aanu ku guda jirnay socdaalkayga bariga aad ayaan ugu farxay soo dhawayn badan ayaanu kala kulanay, bulshadii oo niyad furan, dadkii oo shaqaysanaya iyo dadkii oo u diyaara inay dowadooda la shaqeeyaan islamarkaana umahad naqaya dowladooda waxa ay u qabatay”.

Wasiirka wasaarada waxbarashada Samsam Cabdi Aadan, waxay kormeer ku soo martay dugsiyada waxbarahada degaanada War- Cimraan, Sonsacade iyo Yiroobe.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa