Wasiirka Daakhliga Oo Ka Hadlay Hadallo Hore U Ydihi Oo Dareen Dhaliyey Beesha

Saylac (Somaliland.Org)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa sheegay in si khaldan ay warbaahintu u turjimeen wareysi uu kaga hadlayey Aqoonsiga ay Dawladda Maraykanku siisay Dalka Somalia, kaas oo ay warbaahintu sheegeen inuu Somaliland ku sheegay maamul la mid ah Maamullada Somalia ka jira, waxaanu Wasiirku arintaasi ku tilmaamay mid hadal dhamaystiran la kala jaray oo qayb la qaatay, ka dibna macno kale yeeshay oo aanu ahayn sidii uu u yidhi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Carrale (Duur) oo isaga oo jooga Magaalada Saylac khadka telefoonka ugu warraamay Wargeyska Saxansaxo, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay halka ay marayso xallinta khilaafka Golaha deegaanka ee degmada Saylac, waxaanuu sheegay inay beesha Ciise aqbaleen Sad kordhin dhinaca Xukuumadda laga siiyey, balse aanay ilaa hadda ka tanaasulin jagada Maayirka Degmadaasi oo ay ku adkaysanayaan.

Maxamed Nuur Carrale (Duur) oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Waxa na soo gaadhay Wasiiradda noogu yimid Saylac oo ah Gurmad iyo Talo noo soo kordhay, waana laba nin oo Culus oo Odayaal Wasiirro ah, si ay hawshii noola xoojiyaan, hawsha degmaduna meel aad u wanaagsan ayey maraysaa oo waa nabad gelyo guud ahaan, laakiin qodobka Maayirka ayaa waxa uu nagu yahay mid ay Beesha ciise aad ugu doodayso inay leeyihiin, dhinaca kalena waxa weeyaan oo ay ku doodayaan inay doorasho meel kala marisay, dhamaan wixii kale oo dhan waanu isla garanay, waxaananu Maanta (shalay) ka wada hadalnay Beesha Ciise sidii ay meelihii uu Madaxweynuhu siiyey ay u qaadan lahaayeen, markaa qodobkaas ayuunbaa meesha yaalla ee wax kale oo dhib ahi ma jirto.”

S: Wasiir maxaa ka mid ah xilalka uu Madaxweynuhu siiyey Beesha Cise ee ay Wasiiradu sidaan?

J: Waxa ka mid ah meelaha looga sad kordhiyey beesha Ciise, Ciidamada Bileyska iyo Millaterigaba tiro ayaa loogu darayaa, Xililka guud ee Qarankana waxbaa laga siinayaa, markaa waa tiro Bileyska laga siinayo iyo Millateriga iyo Xilalka qaranka oo wax laga siinayo.

S: Odayaasha Beesha Ciise ma ku qanceen arintaas haddad is aragteen?

J: Haa, way ku qanceen sad kordhintaas uu Madaxweynuhu siiyey oo way soo dhoweeyeen, laakiin waxaanay ka qanacsanayn Jagada Maayirka Degmada Saylac iyo Gobolka iyo Xuduuddihiisa labadaas qodob ayaa qabyo ah.

S: Haddii sad kordhin laga siiyey xagga Xukuumadda wax tanaasul ah oo ay Maayirka ka taaganyihiin ma jirto ayaad leedahay?

J: Dhinacaas wax alla wax tanaasul ah oo xagga Maayirka ahi ma jiro ilaa hadda.

S: Wasiir, waxa jira hadal shacabka dareen ku abuuray oo ah inaan Somaliland kala mid dhigtay Maamullada Somalia ka jira oo loo arkay inaad qarannimadii Somaliland meel kaga dhacday, maxaad ula jeeday hadalkaasi?

J: Hadal xidhiidhsan haddii dhexda laga qaato oo aan sidii uu u xidhiidhsanaa loo wada qaadan waxa uu yeelanayaa macno kale, waana la Ii sheegay sida ay Warbaahintu u dhigtay, laakiin waan dhaliilay oo soo maan dhawayn arrintaas oo waxa aan ku tilmaamay mid si xun looga faa’iidaystay, Somaliland-na Maamul maan garab dhigin oo Maamul Somaliyeed maan odhan ee waxaan sheegay inay Somaliland tahay dal madax bannaan, mushkilladuna waxa weeyaan marka Idaacadaha la dhegaysto iyo marka uu Jaraa’idku hadalka kala jaro aad ayey u kala duwan tahay, markaa si khaldan ayaa loo qoray oo marka Idaacadaha laga dhegaysto wuu caddaa hadalkaasi.

waxaanan sheegay in shirkaas Mareykanka xin looga faa’iidaystay ayaan sheegay, Puntland iyo Somaliland-na ismaan garab dhigin oo Somaliland waa dal madax bannaan, Puntland-na waa Maamul Somali weli sheegta, markaa xataa sheegashadooda ay sheegayaan Somalia ayaan idhi ugamay faa’iidaysan ee si khalad ah ayey uga faa’iidaysteen, markaa Hadalkaas Joornaalka ayaa kala jaray oo doonayey inuu si khalad ah uga faa’iidaysto, laakiin marka Idaacadaha laga dhegaysto waa sax oo hadal xidhiidhsanaa ayey kala jareen dabadeed macno kale ayuu yeeshay”

S: Dadweyanaha reer Somaliland Dareenka ay ka qaateen hadalkaasi maxaad kaga bogsin lahayd?

J: Waa khalad ayaan leeyahay oo hadal xidhiidhsan ayaa la kala jaray, Anigana waa la I yaqaanaa oo nin Xil weyn haya ayaan ahay, waxaanan u arkaa in aanay wax dareen ah oo dadweynaha ahi jirin oo inta Joornaalka subixii la arkay la dhaafay, shacabkana xidhiidh wanaagsan inuu naga dhexeeyo ayaan aaminsanahay.

S: Dadku waxay is weydiinayaan maxaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ku kallifay inuu ka hadlo Siyaasadda Arrimaha Dibedda oo uu Wasiir la mid ah qaabilsanyahay?

J: Su’aal haddii lagu weydiyo waad ka jawaabi, laakiin siyaasad ballaadhan oo arimo dibedeed ah kamaan hadal, waxaanu ka mid ahaa ka hadalka arinka Saylac oo su’aal la I weydiiyey ayey ahayd.

S: Wasiir dadku waxay kaa aaminsanyihiin inaad tahay nin Hanjabaad badan oo deg deg uu ku jiro arintaas maxaad ka leedahay?

J: Anigu odhan maayo sidaas ayaan ahay, malaha dadkuna way iyaqaanaan waxa aan ahay, waxaana kaga filan waxa aan ahay, sida aan isku aqaano iyo sida ay dadku Ii yaqaanaan waxa qara weyn sida ay dadku ii yaqaanaan, markaa kollay xil ayaan hayaa oo Somalidu inta ay Xilka hayso maragga iskuma furtee, waxaan filayaa in taariikhdaydu ay caddaan doonto marka aan Xilka ka tago, lana doodi maayo shacab, haddii ay xataa sidaas dadku iga aaminsanyihiin dood ka bixin maayo oo ma ihi nin is difaaca, waxaanan ku qanacsanahay inaanay haboonayn in la is difaaco.

S: Hadii ay Beesha Ciise sidaas ku si adkaysato oo dhinaca kale sidaas ahaadaan Mawqifka Xukuumaddu muxuu yahay ee arintaasi ku aaddani?

J:Gogosha ayuunbaanu sii wadaynaa oo dedaal ayaan ka sii geli doonaa, shacabkana waxaan leeyahay Bari ilaa galbeed inay nabaddu tahay guusha ugu wayn ee ay dadka reer Somaliland haystaan.

Somaliland.Org/Hargeysa