War-murtiyeed Lagu Faah-faahiyay Midowga Ururkii UMMADDA Iyo Xisbiga WADDANI (Daawo Sawiraddii oo dhan)

Hargeysa (Somaliland.Org)– Xisbiga Waddani ayaa maanta si weyn u soo dhaweeyay Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo ururkiisii UMADDA oo la midoobay xisbigaasi, kuwaasi oo ku heshiiyey inay cududooda mideeyaan.

Munaasibada oo laga jeediyay khudbado badan isla-markaana ay labada Guddoomiye ka soo jeediyeen hadal Muhiim ah oo la xidhiidha danaha qaranka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland, ayaa waxay midowgooda ka soo saareen War-murtiyeed kooban, kaasi lagu cadeeyay midowgooda.

War-murtiyeedkaasi ayaa u dhignaa sidan “Midowga Xisbiga WADANI iyo ururka Siyaasadeedka UMADDA, Ka dib markii Xisbiga WADDANI iyo Ururka siyaasadeedka UMADDU wada yeesheen wadahadal socday muddo kooban islana fahmeen in mabaadiida aasaasiga ah ee Xibiga WADDANI ay tahay mid ku salaysan mucaaradad wax dhisa oo dalka iyo dadka danohooda u taagan.

Ka dib markii labada dhinac ay tixgeliney Qodobka 24aad ee Xeer lr. 14/2011 ee tilmaamaya in ururkii ku guulaysan waaya doorashada golaha deegaanka ay tahay inuu ku biiro saddexda Xisbi Qaran ee soo baxay midkood.


Ka dib markay arkeen qodobka ….. ee xeerka xibiga WADDANI tilmaamayo in la kordhin karo xubnaha Golaha dhexe, Fulinta iyo Hogaanka xisbiga.

Ka dib markii ay labada dhinac isla afgarteen in qaabdhismeedka awoodaha Xisbiga Wadani laga siiyo Ururka siyaasadeedka UMADDA saami-qaybsi ay ku qanceen.

Ka dib markii ay labada dhinac wada tashi qotodheer ka yesheen arrinta midnimadooda, lana soo tashadeen taageerayaashoodii, islamarkaana ka soo ansixiyeen Hogaamada labada daraf, waxay isla ogolaadeen in URURKA UMADDU ku soo biiro XISBIGA WADANI maanta oo salaasa ah, taariikhduna tahay 22/01/2013.

Hadaba, waxanu ku wargelinaynaa dadweynaha reer Somaliland iyo hay’adaha ay khusayso arintani inay sidaa ula socdaan. Wabilaahi Tawfiiq.”

Somaliland.Org/Hargeysa