Gabadh Iska Soo Tuurtay Biriishka Hargeysa Oo Argagax ku abuurtay Dadweynaha

Hargeysa (Somaliland.Org)- Saciido Faarax oo ah gabadh dhalinyaro ah, ayaa xalay cawayskii iska soo tuurtay badhtaha biriishka weyn ee caasimadda Hargeysa, waxaana dhaawac culusi ka soo gaadhay lug, waxaanay qadar gashay xaalad miyir la’aan ah.

Gabadhan sidii u socotay Biriishka waxay mar kaliya iska tuurtay Biriishka waxaanay ku dhacday dooxa, sida uu noo sheegay Maxamed Axmed oo ka mid ahaa dadkii dhacdadaasi u soo joogay.

“Waxay nagu noqotay lama filaan iyo argagixii u weynaa, waxaanu mar qudha annagoo ka yara fogayn aanu indhaha ku dhufanay inan (Gabadh) birta sii fuulaysa oo lugaha horaysiisay ka dibna si deg deg ah isu tuurtay,”ayuu yidhi Maxamed Axmed oo u waramayay Wargeyska Somalilandtoday.

Maxamed oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Gabadhan oo aan islahaa nolol ku gaadhi maysaan waxa dhaawac culusi ka soo gaadhay lug ay ka jabtay. Waxa kale oo dhaawacyo qarsooni ka soo gaadheen jidhka intiisa kale, muddo ayay xaalad miyir la’aan ah gashay oo ay neef qabatowday, hase yeeshee markii dambe way hadashay oo iyadda ayaaba noo sheegtay lambar Telefoon oo lagala hadli karo qoyskeedii.”

“Waa la qaaday waxaana soo gaadhay Hooyadeed iyo xubno kale oo ka mid ah qoyskeedda waxaana la geeyay Cisbitaalka Guud ee Hargeysa lagu dawaynayo,”ayuu yidhi Maxamed Axmed.

“Hooyo, Jin ayaa ku jiray beryahanba, markaa galabta (shalay) ayaan canaantay, ka dibna waxa dhici karta inay cadhaysnayd,”ayay tidhi Hooyadii dhashay gabadhan xili ay ilmadda hoorsanaysay oo aanu kula kulanay Biriishka.

Dhacdadan ayaa naxdin iyo anfariir ku noqday bulshadda Hargeysa, waxaana xalay Biriishka Hargeysa la ciir-ciirayay dadweyne ku soo ururay goobta oo wax iska weydiinayay dhacdada gabadhan.

Somaliland.Org/Hargeysa