Waxaan Ku Baaqayaa In La Ansixiyo Xeerka Wasaaradda Duulista ee horyaala G/Wakiiladda

Iyada oo ay dawladaha dunidan jiraa ay mid walba u tahay hal-bawle, waxaana lagama maarmaan ah lahaansha madaaro caalami ah iyo kuwo gudaha ah (local) hadaba Somaliland waxa ay ka mid tahay dalalka dunida ee lagama maarmaanka u tahay nolashooda Airports-ka ama madaaradu.

iyada oo ay dawladaha dunida ay leeyihiin hay’ad gaar ah oo la yidha “Civil Aviation” oo madaxbanaan si ay u fushadaan hawlahooda deg-dega ah iyo adeegyada gaarka ah ee xasasiga ah, waxaase nasiib daro ah in Somaliland aanay ahayn Civil aviation-ka Somaliland ahayn hay’ad gaar ah oo madax banaan dakhliga soo galaana uu toos u tago khasanada dawlada, taas oo aan waxba ka tarayn ama daboolayn baahiyaha deg-dega ee madaarada iyo diyaaradaha.

Waxaase nasiibka Rabi ku guuleeyay Wasiirka Wasaarada Duulistu inuu ka dhigo ama gaadhsiiyo oo geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in madaarada dalku ay la jaanqaadi karaan madaarada dhigooda ah ee ku yaala dawladaha aynu jaarka nahay, taas oo suurtogalisay inay maanta Somaliland ay ka soo hirtaan diyaarado heer caalami ah, markii la daryeelay adeegyada nabadgalyo ee madaarada korna loo qaaday amaanka.

Iyada oo ay Wasaarada Duulistu mar walba baahiyo xasaasi ah yaalaan wax ay ka maarmi waayeen inay dakhliga yar ee ay soo saaraan ay ku fuliyeen shaqaalaha tirada badan ee ka hawlgala qalabkii dawlada Ingiriisku ku caawisay, shaqaalana loo qoray qalabkaas kuna fuliyaan walibana la siiyo mushahar fiican oo si aanay u qaadan laaluush, waxaase taas sii dheer in dhaqaalahaas ay Wasaarada ka maarmi waydo inay Wasaaradu ka qaado dadka “10 $” dhoofayaasha, waxaase hada horyaal xeer ay Wasaaradu horgeysay Golaha Wakiilada oo ku saabsan ansixinta “10” doolar.

Aniga oo ka mid ahaa aqoonyahanada Somaliland ee khibrada dheer u leh dayuuradaha madaarada iyo wixii la xidhiidha lana soo shaqeeyey Wasiirkan muddo ku siman 2 sano walibana contract UNDP ay iigu keentay si aan uga faa’iideeyo aqoontayda iyo waayo-aragnimadayda, inkasta oo aan haatan la shaqaynin igana dhamaaday contract.

Tallo:
Waxaan cid kasta oo ay arrinkani khuseeyo tallo ahaan uga soo jeedinayaa in la ansixiyo lana meel mariyo oo la dhaqan-galiyo 10 US $ illaa inta Wasaarada noqonayso hay’ad madax-banaan oo fushan karta si toos ah baahiyaheeda ha noqdeen heer caalami ah ama “local” gudaha ah.

Eng Maxamed Cabdi Caamir
Airworthiness, Accident and investigation Expert
Email mo:Amir42@hotmail.com