“Aqoonsiga Soomaaliya, waxba kama bedalayo mawqifkii qaranimo ee Somaliland”

Hargeysa (Somaliland.Org)- Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa sheegay inaanay Somaliland mawqifkeedii aanu waxba ka bedalaynin aqoonsiga Maraykanku siiyay dawladda Soomaaliya.

Afhayeenku wuxuu sidaasi ka sheegay hadal uu ka jeediyay Xaflad balaadhan oo lagu daah-furayay wanqalka wargeyska Somaliland Today oo lagu qabtay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

Md. Dhuxul oo ka dabo-socday aqoonsiga Soomaaliya ka heshay dawladda Obama ee dalka Maraykanka waxa uu yidhi “Aqoonsiga Maraykanku siiyay Soomaaliya, xukuumadda Somaliland mowqifkeedu waxa weeyaan in aanay waxba ka badalayn Somaliland oo ay tahay mid aan ina khusaynin, oo aanay ahayn mid inaga saamayn inagu yeelanaysa.”

“Shacabka Somaliland waxa laga filayaa inay taasi barbar istaagaan oo ay qadiyadda dalka ka shaqeeyaan, oo innaga oo mid ah, marxalad kasta iyo wax kasta oo ina soo food-saara yaanu shaki ina galin, oo aanu shaki inaga galin dadnimadeena, dawladnimadeena iyo waxa aynu doonayno,”

Afhayeenku waxa uu intaasi ku daray “Waxa aynu doonayno ayaa wax walba ka weyn, waxa aynu doonayno ayaa midho dhal noqonaya.”
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa