Xildhibaano Ka Wada Tirsan Guddi Oo Isku Maan-dhaafay Kulan ay la Yeesheen Wasiirka Duulista

Hargeysa (Somaliland.Org)- XildhibaanNo ka tirsan Golaha Wakiiladda ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay kulan ay guddi Hoosaadka ilaalinta hantida qaranku ay shalay la yeesheen Wasiirka Duulista Hawadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo hor-tagay.

Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan guddida ilaalinta hantida qaranka ayaa ku tilmaamay kulanka guddidula yeesheen Wasiirka duulista hawada mid aan waafaqsanayn sharciga guddi hoosaadyadda golaha wakiilada, isla markaana waxa uu ku dooday in aanay u dhamaan kulankaasi xubnaha guddidu ka kooban tahay.

Maxamed Axmed Dhakool saxaafada la hadlay waxa uu sheegay in kulankaasi ay iska soo fadhiisteen Xildhibaano ka tirsan Gudida arrimaha dibadda ee Wakiiladdu,kuwaasi oo uu carabaabay inay toos uga qeyb qaadanayeen xog-waraysigaasi. “Waxaan ka tirsan nahay guddida ilaalinta hantida qaranka, guddidaasi waxaanu nahay 9 xubnood, sagaalkii xubnood waxa naga maqan ninka la yidhaahdo Aadan Tarabi iyo Khadar Amasador, guddidaas la kulantay wasiirka Duulista waxa nagaga jira Maxamed Cali Xirsi, Waysa Cade iyo Barkhad.

Hase yeeshee laba xildhibaan oo kale oo ka tirsan Gudida arrimaha dibadda ayaa iska fadhiyay oo wax weydiinayay Wasiirka, waana khalad,”ayuu yidhi Xildhibaan Dhakool oo kulankaasi ka dib saxaafadda u waramayay.

Xildhibaan Axmed Xasan Aadan Waysa Cade oo isaguna ka hadlay dhaliilaha xildhibaan Dhakool u soo jeediyay ayaa ku tilmaamay mid aanay waxba ka jirin, waxaanu yidhi “Waxaanu ahayn Guddida ilaalinta hantida qaranka, waxaanu ahayn sagaal, Aadan Tarabi Oogle, Axmed Xasan, Maxamed Cali Xirsi ,Xuseen Ismaaciil, Axmed Barkhad Obsiiye, Beegsi , Dhakool iyo Khadar Ambassador wakhti xaadirkan waxa dhacday Beegsi wa a laga saaray Golaha Wakiilada, Khadar Ambassador muddo dheer kamuu soo qayb galin guddida, waxaanu haystaa ogolaansho guddoomiyaha Golaha.”

Axmed Xasan Aadan isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Iyadoo aanu caynkaas ku shaqayno Dhakool saddex sanadood ayaan guddida ku jiray, saddexdaa sanadood maalin qudha isagu muu iman guddidaa. Waana raga guddidu ka shaqayn kari wayday. Sanad baxsad ayuu ku maqnaa, jagadiisa banaanatay waa waxa guddidani la shaqayn kari wayday. “

Somaliland.Org/Hargeysa