Maayarka Ceel Afweyn Oo Xilkii La wareegay

Ceel afweyn (Somaliland.Org)- Maayarka Cusub ee Degmada Ceel Afweyn Md. Baashe Xandulle Warsame ayaa maanta si rasmi ah xilkii ugala wareegay maayorkii hore ee magaaladaasi Md Mursal Askar Mire.

Munaasabad ka dhacday magaaladaasi oo ay ka soo qayb galeen Maayor ku xigeenka degmada Md. CabdinXuseen Warsame, madax dhaqameed iyo qaybaha bulshada Degmadaasi ayaa Mayor-kii hore ee Ceel Afweyn Md askar waxa uu faahfaahin ka bixiyey qaybo ka mid ah waxqabadkii u qabsoomay mudadii uu xilka hayey gaar ahaan dhinacyada arimaha bulshada sida waxbarashada. Caafimaadka iyo nabadgelyada.

Maayar-ka cusub e Degmadaasi Md. xandulle oo isna munaasabadda hadal kooban ka jeediey ayaa ballanqaaday inuu ku hawlgeli doono waxii ay ku jirto danta degmadaasi iyo ta guud ahaan Somaliland-ba isagoo ka duulaya qorshayaashii ku aadanaa ballanqaadadii xiligii ololaha doorashadii golayaasha deegaanka.

Somaliland.Org/Hargeysa