Wasiirka Duulista oo Hortagay Gudida Ilaalinta Hantida ee Wakiiladda

Hargeysa (Somaliland.Org)-Wasiirka wasaaradda Duulista iyo hawada Md Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta warbixin ku saabsan hawlaha wasaaradiisa u gudbiyey gudida ilaalinta iyo daryeelka hantida qaranka ee Golaha wakiilada Somaliland.

Wasiirka oo maanta hor tagay gudigaasi ayaa warbixintiisa waxaa qayb ka ahayd waxyaabahii ay wasaaradiisu culayska saartay mudadii uu xilka hayey iyo waxyaabahii u qabsoomay.

Mudane Maxamuud Xaashi oo ka hadlayey lacagaha lagu qaado madaarada dalka ayaa sheegay inay wasaarada ahaan qaadaan lacag sadex doolar ah oo garoomada lagaga qaado dadka safarka ah lacagtaas oo ah mid ay golaha wakiiladu hore u ansixiyeen, halka sidoo kalena uu jawaab ka bixiyey lacag 10 doolar ah oo aan weli la ansixin oo laga qaado dadka la mariyo qalabka baadhista ammaanka, dhowaana uu hor keeni doono golaha wakiilada.

Wasiirka Duulista oo ka hadlay waxqabadkii wasaaradda waxa uu sheegay in madaarada dalka qaarkood la hagaajiyey kuwo kalena dayactir lagu wado, taasoo keentay in shirkado hor leh oo diyaaradeed lagu soo xidhay wadanka kuwo kalena dib loo soo celiyey sida shirkadda Itoobiyaan Airlines.

Somaliland.Org/Hargeysa