Wasiirka Daakhiliga oo gudo-galay xal u helida khilaafaadka Saylac

Saylac (Somaliland). Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Md. Maxamed Nuur Caraale (Duur) oo safar shaqo ku jooga degmada Saylac ee gobolka Salal, ayaa maanta guda galay xalinta khilaafka dabada dheeraaday ee ka dhashay doorashadii golaha deegaanka ee degmada Saylac.

Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha, waxa uu kulan la yeeshay madax-dhaqameed iyo wax garadka beesha Ciise oo ka soo horjeeday doorashada Maayarka iyo Maayar ku xigeenka cusub ee Saykac. Waxa Wasiirka shirkan ku wehelinayay La taliyaha Madaxweynaha Dhinaca arrimaha Doorashaooyinka iyo Axsaabta qaranka Maxamed Muuse Abees, Badhasaabka Gobolka Salal Mudane Nuur Cismaan Guuleed, Xildhibaano ka kala socda Baarlamaanka iyo Guurtida siyaasiyiin wax garad cuqaal iyo oday dhameedyo ka soo jeeda Beeshaasi.

“Aniga oo ah Wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha, waxa weeye xaalada halkan ka taagan in si waalaaltinimo leh aynu u guda galno oo ay dhamayno tabashaduna dhamaato, tabashadu waxay ku xidhan tahay oo ay ka timi tabasho beesha Ciise ay tabanaysay oo ka timid doorashadii golaha deeganka, nabad baan halkan u imid, nabad aanay xukuumadu cid iga danbaysa u soo direyn, waxaanan rajaynayaa inay is af-garad inoogu dhamaanto”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha oo hadal kooban ka jeediyay.

Badhasaabka Gobolka Salal Nuur Cismaan Guuleed, oo ugu horeyn kulankaasi hadal ka jeediyay dhaweeyay Wasiirka Daakhilga, waxaanu carabbaabay inay caaqil, ciroole, salaadiin iyo siyaasiyiiba ay u sugayaan hadalka wasiirka Daakhiliga Mudane Duur. Sidoo kale wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur ayaa hadalka qaatay wuxuuna Si duur xul ah uga waramay socdaalkiisa iyo natiijada uu filayo inay kulankani ka soo bixi doonto.

Intaa ka dib Beesha iyo Wasiirkuba waxay galeen kulan ay albaabadu u xidhan yihiin waxaana laga wada dhur sugayaa Maxsuulka ka soo bixi doona.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com