Tababar Ku saabsan doorka Dhalinyarradda oo ka furmay Hargeysa

Hargeysa (Somaliland.Org)-Agaasimaha guud ee wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo DalxiiskaMustafe Maamed Qodax ayaa maaanta tababar ku saabsan dardargelinta doorka ay dhalinyaradu ku leedahay isku xidhnaanta bulshada u furay qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddaha dalka qaarkood.

Md Qodax oo ka hadlay munaasabadda lagu furay aqoon is weydaarsigaas ayaa sheegay in ay ugu tallo galeen in lagu ogaado halka ay marayso xaaladda dhalinyarada dalku ka dib waxii ka dambeeyey tan iyo markii ay golayaashu ansixiyeen xeerkii ka qaybgalka siyaasadda ee dhalinyarada.

Dhalinayarada ka qayb gashay aqoon is weydaarsigan ayaa ka kala socday xarumaha wasaaraddaha dalku ku leeyihiin magaalada caasimadda ah ee Hargaysa.

Somaliland.Org/Hargeysa