Mudaharaad Basaska Lagaga Soo Horjeedo Oo Ka Dhacay Magaalada Boorame

Hargeysa (Somaliland.Org)-Mudaharaadkan Maanta gilgilay xaafada Sheekh Cali Jawhar ee Boorama ayaa waxa samaynayay dad u badan dhalinyaro iyo haween, waxana ay mudaharaadayaashu xidheen wadooyinka halbowlaha ah ee xaafadaasi tagta iyaga oo ku shiday taayiro dhagax iyo geedana wadooyinka ku gooyay.

Mudaharaadayaasha waxa ay ku micneeyeen ujeedada mudaharaadkooda mid ay kaga soo horjeedaan basaska xaafadaasi u baxa oo diiday inay dhex maraan xaafadaha kuna adkaysatay inay ka soo laabtaan jidka dheer ee ay maraan oo kaliya tanina ay cabadad ku noqotay ayay yidhaaheen dadka oo jidkan uga soo lugeeyay meel dheer.

Iimay suurto-gelin inay la xidhiidho milkilayaasha basaska, balse ilo ka ag dhaw ayaa sheegay in dhibta ka haysata wadada wareega ah ay tahay basaska oo aan ka helin cid ka soo raacda jidkaasina uu yahay mid aad u dheer.

Dhinaca kele arrintan ayaa waxa soo dhex galay msuuliyiinta D/Hoose oo goobtan u tahay inay xaliyaan murankani, waxana maayarka Boorama Md. Saleebaan Xasan Xadi uu sheegay in la soo afjaray xiisadan “ Waan wada hadalnay labada dhinacba, waxana aan isla garanay in basasku ay maraan jidkii wareega ahaa ee loogu talo galay, waxa aan u sheegnay sidoo kale dhalinta iyo dadka xaafada inay nabadgalyada dhawraan.

Xaafadan Sh. Cali Jawhar ayaa ah mida ugu balaadhan ee ay u baxaan basaska magaalada gudaheeda ka shaqeeya

Cabdalle Cali Yuusuf

Somaliland.Org/Boorame