Boorama: Qasnada Kaydka Lacagta Ee D/Hoose Oo Muddo 8 Bilood Ah Xidhayd Oo Dib Loo Furay

Hargeysa (Somaliland.Org)-Qasnada kaydka lacagta ee dawladda hoose ee Boorama oo xidhnayad mudo dheer ayaa manata dib loo furay, waxana goob joog ka haaa mauuliyiin ka socotay hanta dhawrka, maamulka gobolka kan degmada iyo xildhibaanada D/Hoose ee Boorama.

Qasnadan ayaa furitaankeeda ay dad badani ku soo xoomeen, waxana ay dadku diyaar u ahaayeen inay ogaadaan waxa ka soo baxay qasnaadan, balse masuuliyiinta Hantidhawrka iyo Xildhibaano ka soo baxay qolkaasi ayaa intuba ka gaabsaday inay macluumaad ka bixiyaan hawshaasi.

Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci oo ka waramay xaalka guud ayaa yidhi “ Waxa noo yimid hantidhawr, waxa dib loo furay qasnadii oo mudo dheer xidhnayad, waxa goob joog u ahaa dhamaan maamulka heer gobol iyo degmo, waxa kaliya ee aan sheegi karnaa waa in qasnadaasi loogu yimid sidii ay ahayd, waxa ku jiray faahfaahinteeduna ma aha mid maanta halkan looga baahan yahay”.

Dhinaca kale warar xog ogaal ah oo ay siday sheegayaan ilo ka ag dhow dawladda oo ka gaabsaday in magacooda la xuso ayaa sheegaya in qasnadaasi maanta gudaheeda looga tagay sedex iyo sodon milyan oo shilin Somaliland ah iyo 150 bir.

Cabdalle Cali Yuusuf
Somaliland.org/Boorame