Tartankii Ciyaaraha Goboladda oo Dib Loo Dhigay Muddo Lix Bilood ah

Hargeysa-(Somaliland.Org)- Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Mudane Cali Siciid Raygal ayaa maanta ku dhawaaqay in tartanka ciyaaraha goboladda oo lagu waday inay ka qabsoonto Hargeysa 15-ka Bishan dib loo dhigay illaa 2-da Bisha June ee sanadkan 2013-ka.

“Waxaanu qaban doonaa tartanka ciyaaraha Goboladda haddii ALLE idmo 2-da bisha June, waana codsi nooga yimid dadka qurbe jooga ah ee reer Somaliland oo naga dalbaday in lala sugo wakhtiga xagaa baxa,”ayuu yidhi Wasiirka Dhalinyaradda, Ciyaaraha Md. Cali Siciid Raygal oo xafiiskiisa ugu waramayay qaar ka mid ah warbaahinta.

Warar xog ogaal ah ayaa shabakadda wararka ee Somaliland.Org u xaqiijiyay in dib u dhigista Ciyaaraha ay sabab u noqdeen kulamo is dabo joog ah oo ay maalmihii la soo dhaafay ay Hargeysa ku yeesheen xubno ka mid ah salaadiinta degmadda Axmed Dhagax iyo Golaha Wasiirrada xukuumadda, kuwaasi oo isku waafaqay in xanaftii doorashadda ee wali sii qoyani aanay suurto-gal ka dhigayn in la qabto ciyaaraha goboladda oo bulshaddu si weyn iskugu diyaarisay.

Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com